Chelsea Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka Cusub, Mid Ka Mid Ah Saxiixyadooda Cusub Oo Wacdarro Dhigay & Lampard Oo Fariin Diray

Advertisements

Chelsea ayaa guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ay 3-1 ku qaarjiyeen Brighton caawa.

Saxiixooda cusuv Timo Werner oo sabab u ahaa mid ka mid ah goolasha ayaa soo bandhigay inuu si sahlan u la qabsan karo kubada Ingariiska halka Kai Havertz uu u baahan yahay waqti uu ku saldhigto.

Guushaan ayaa la micno ah in Chelsea ay ku jirto kaalinta 3aad iyagoo 3 dhibcood la wadaaga sideed kooxood oo badiyay kulankii ugu horeeyay xilli ciyaareedka.

Advertisements

Tababare Frank Lampard ayaa kulankaan ku soo bilaabay saxiixyada cusub ee xagaagab Timo Werner iyo Kai Havertz iyagoo ciyaaray kulankoodii ugu horeysay ee Premier League tan iyi markii ay ka soo wareegeen Bundesliga.

Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta qeybteedii hore ka dib rigoore uu saxiixah xiddiga khadka dhexe Jorginho markii Mat Ryan uu daqiiqadii 21aad qalad ku galay saxiixa cusub Timo Werner.

Xiddiga Jarmalka ayaa wacdarro dhigayay qeybtii hore ee ciyaarta halka saxiixa cusub kalr Kai Havertz uu u baahnaa waqti uu kooxda kula qabsado.

Laakiin Brighton ayaa lagu doodi karaa inay heshay fursadihii ugu fiicnaa qeybta hore inkastoo ay shabaqa soo taaban waayeen.

Waxaa Brighton dhaawac uga baxay dhamaadkii qeybtii hore saxiixooda cusub xiddigii hore ee Liverpool Adan Lallana.

Bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta ayay si waali ah isku bedeshay ciyaarta iyadoo Brighton ay heshay goolka barbaraha daqiiqadii 54aad.

Trossard ayaa gool qurux badan dabamariyay goolhaye Kepa oo isku dayay inuu badbaadiyo.

Farxada Brighton ma aysan waarin waqti badan Chelsea ayaa hogaanka ku soo noqotay labo daqiiqo ka dib iyadoo uu shabaqa u soo daabtay James.

Waa goolkiisii ugu horeysay ee uu ka dhaliyo Premier Leagur isagoo baas uu ka helay Jorginho darbo gantaal ah ku geliyay qeybta kore ee shabaqa ciyaartana ka dhigay 2-1 oo ay Chelsea hogaanka ku heysay.

Chelsea halkaas kuma hakanin waxayana sii dheereysteen hogaanka daqiiqadii 66aad iyadoo uu shabaqa u soo taabtay daafaca Kurt Zouma.

Zouma ayaa goolka loo qoray laakiin waxaa goolka ka caawiyay daafaca Brighton Webster kaasoo ka horjoogsaday kubafa inuu badbaadiyo goolhayr Ryan.

Brighton ayaa isku dayday ka dib markii laga dhaliyay goolka 3aad inay fursado goolal loo fishsy abuuraan halka ay sidoo kale rigoore ku doodeen.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Chelsea ku dirtay kooxda Brighton.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*