Cavani Iyo Bailly Oo Jawaab Ka Sugaya Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Ay Saluugeen

Edinson Cavani iyo Eric Bailly ayaa jawaabo ka dalbanaya tababare Ole Gunnar Solskjaer kuwaas oo la xidhiidha mustaqbalkooda oo shaki ku jiro kaddib saluug ay ka qabaan saamiga ciyaareed ee uu Ole siiyo.

Advertisements

Weeraryahanka reer Uruguay ee Cavani ayaa la sheegay in uu xiisaynayay inuu sannad kale u kordhiyo heshiiska oo uu sii joogo Old Trafford, laakiin hadda uu taasi beddelay oo uu tababaraha ka sugayo inuu jawaab ka siiyo doorka uu kooxda ku yeelanayo, haddii kalena uu xagaaga iskaga ambobixi doono.

34 jirkan ayaan ku qanacsanayn ciyaaro yaraanta iyo fursadaha aadka u kooban ee uu kooxda ka  helayo, taas oo aan waafaqsanayn wixii uu markii hore naawilayay ee ay isku ogaayeen madaxda kooxda.

Eric Bailly ayaa isaguna ka dalbaday Solskjaer inuu la yimaaddo daacadnimo la xidhiidha mustaqbalkiisa iyo haddii uu ciyaarsiinayo.

Advertisements

Manchester United oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, Axaddiina 2-0 ku garaacday Manchester City oo hoggaanka haysa ayaa waxa la sheegayaa inay raadinayso weeraryahan cusub iyo difaac cusub oo xagaaga ay lasoo saxeexato.

Warkan ayaa ku keenay Cavani iyo Bailly inay dareemaan in aanu sugnayn mustaqbalkoodu, isla markaana ay cirka kusii laalmayaan fursadaha ay kooxda ka heli doonaan haddii ay labada ciyaartoy ee ay raadinayso lasoo saxeexato United.

Edinson Cavani ayaa uu ka fiirsanayaa inuu dib ugu laabto qaaradda Latin America oo uu ku biiro Boca Junior oo la sheegay inay u tahay riyo iyo ballan-qaad uu hore ugu sameeyey madaxweynaha kooxdaas ee Juan Roman Requelme, kaas oo ah inuu waqti ku qaadan doono naadigaas.

Dhaliyahan oo bishii October si bilaash ah ugu soo wareegay Manchester United kaddib markii uu soo dhamaaday qandaraaskiisii PSG ayaa qalinka ku duugay heshiis sannad ah oo uu ku qaadanayo mushahar dhan £9 milyan oo Gini iyo sannad kale oo kordhin ah haddii ay labada dhinac isku waafaqaan.

25 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay, intooda badanna uu beddel ku yimid waxa uu Cavani u dhaliyey United toddoba gool.

Eric Bailly ayaa waxa uu isaguna ka cadhaysan yahay in isagoo kasoo bogsaday dhaawac uu haddana tababare Ole Gunnar Solskjaer kursiga kaydka ku hayo, ayna xaaladdu kaba sii dartay kulankii Manchester City oo aan xataa ciyaartoyda beddelka lagu soo darin.

26 jirka reer Ivory Coast ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxdiisu, in uu rumaysan yahay in aanu tababaruhu caddalad u samaynin oo uu isaga ka eexdo marka la eego sida uu kooxda u safo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*