“Carruur Wax Koobab Ah Kuma Qaadi Kartid” – Halyeey Gary Neville Oo Runta U Sheegay Ole Gunnar Solskjaer Oo Da’yar Badan Fursad Ku Siinaya Man United.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa tababaraha haatan ee kooxdaas Ole Gunnar Solskjaer u adeegsaday odhaah caan ah oo uu yidhi halyeeyga  Liverpool ee Alan Hansen isaga oo la bar-bardhigay xaalada haatan Old Trafford ka taagan.

Hansen ayaa badhtamihii sagaashamaadkii kaddib guuldarro ay Man United kulankii furitaanka kala soo kulantay Aston Villa u sheegay saxaafada in aysan United carruur koob ku qaadi karin.

Haatan Neville oo odhaahdaas adeegsanaya kana mid ahaa carruurta markaas uu Hansen sheegayay ee akaademiga Man United kasoo baxday ayaa Solskjaer u sheegay inuu u baahan yahay ciyaartoy waaweyn oo ka caawiya inuu horyaalka u tartamo.

Neville ayaa sheegay in United ay dhawrkii sano ee ugu dambeeyay ku dhawaad 900 Milyan suuqa galisay haatana aysan gabi ahaanba waxba ka haynin balse ay u baahan yihiin ciyaartoy waaweyn sidii ay iyaguba xiddigo khibrad leh u haysteen wakhtigoodii guulaha ee United.

Gary Neville ayaa yidhi “Waxaan Axadii sheegay inay 900 Milyan tahay lacagta la qarash gareeyay toddobadkii ama siddeedii sano ee ugu dambeeyay mana jiro dhab ahaantii wax ka hadhay”.

Advertisements

“Halkaas waxa jooga lafaha kooxda, Qaar kamida xiddigaha yar yar ee kasoo baxay Akaademiga kuwaas oo aan wax lacag ah ku bixin, David De Gea oo dhibtoonaya, Halkaas waxa jooga Harry Maguire laakiin waxa jirta dib u dhis badan oo ay tahay in la sameeyo”.

“Marar badan ayaan sheegay in Alan Hansen uu saxsanaa, Waxba kulama guuleysanaysid carruur, Dufcadii 92-kii (Kasoo baxday akaademiga) kumay guuleysan horyaalka, Waxaanu haysanay Steve Bruce, Gary Pallister, Roy Keane, Eric Cantona, Brian McClair iyo Peter Scheimeicel”.

Comments are closed.