Carlo Ancelotti Oo Si Weyn U Xanaaqay Ka Dib Markii Uu Ogaaday Inuusan Heysan Qol Labis Uu Ku Soo Dhaweeyo Liverpool Talaadada

Advertisements

Tababare Carlo Ancelotti ayaa si weyn u xanaaqay ka dib markii uu ogaaday in qolalka labiska kooxda Napoli uu weli dhismo ku socdo maalmo ka hor inta aysan martigelinin Liverpool.

Kooxda Serie A ka dhisan ayaa ogolaatay in labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda si loo dhameystiro howsha dayactirka ee ka socday garoonka.

Laakiin sida sawirka ka muuqata howsha dayactirka qolalka labiska ayaan weli dhameystirneyn taasoo keentay inuu Ancelotti ku xanaaqo shirkadii qandaraaska ku qaadatay,.

Waxa uu yiri: “Waxaan arkay xaalada qolalka labiska ee San Paolo.

“Ereyo lagu qeexo ma jiraan. Waan aqbalay codsigii shirkada ee ahaa in labada kulan ee ugu horeysa aan ku ciyaarno meel ka baxsan garoonkeena si shaqada loo dhameystiro, taas ayay aheyd balanta.

“Labo bilood waxaad ku dhisi kartaa guri, waana ay awoodi la’ yihiin inay dayactir ku sameeyaan qolalka labiska.

“Halkee ayaan ku dhar badalaneynaa kulamada aan la ciyaareyno Sampdoria iyo Liverpool?

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Aaron Ramsey Oo Goolkii Ugu Horeysay Dhaliyay, Cristiano Ronaldo Oo Guusha Xaqiijiyay & Juventus Oo Hogaanka U Qabatay Serie A

“Aad ayaa uga careysanahay howl xumada iyo xil iska saarid la’aanta dadka shaqada gacanta kula jira.

“Sidee ayay maamulka gobolka iyo dowlada hoose isaga dhegotirayaan heshiiskii ay galeen?

Advertisements

“Waxaan arkaa quursi iyo inaysan kooxda wax xiriir ah la laheyn magaalada, aad ayaan u la yaabanahay arintaan.”

Napoli ayaa Talaadada soo socota waxa ay soo dhaweyneysaa kooxda Liverpool kulanka ugu horeeya wareega group-yada, waxayna shaqaalaha dhismaha u baahan yihiin inay dhameystiraan dayactirka qolalka labiska ee garoonka San Paulo oo la dhisan sannadii 1959.

Comments are closed.