CAJIIB: Xaaska Xiddig Ka Ciyaara Premier League Oo La Qabtay Iyadoo Hub Ku Tahriibinaysa Diyaarad Khaas Ah & Oohintii Ay Miciinsatay Markii La Qabtay

Xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League ayaa mashaqo ay dhex-fadhiisisay gacalisadiisa oo la qabtay iyadoo hub iyo waxyaabaha dagaalka loo isticmaalo ku tahriibinaysa diyaarad khaas ah oo ay u qaadatay si ay qalabkaas u badbaadsato.

Ciidamada xuduudka waddanka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay hubka ay sidatay quruxley gacaliso u ah ciyaartoy caan ah oo ka tirsan mid ka mid ah kooxaha horyaalka Premier League.

Arrintan ayay ciidanku heleen, markii ay ka dalbadeen quruxleydan inay furto shandad qaybta diyaaradaha khaaska ah, sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK.

Gabadhan ayaa u sheegtay saraakiisha inay alaabtan kasoo iibsatay dibedda oo ay ugu talo-gashay in lagu ilaaliyo guryaha xiddigaha kubadda cagta UK.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in ciidamadu la wareegeen hubka oo ay ka qaadeen maadaama ay ku guul-darraysatay inay wax caddayso, waxaana loo ogolaaday inay tagto waddanka UK oo ay kusii jeedday.

Ilo-wareedyo uu wargeysku la xidhiidhay ayaa waxay sheegeen: “Markii la weydiiyey inay furto shandaddeeda, saraakiishu waxay heleen hub sharci-darro ah. Isla markiiba ilmo ayaa kasoo daadatay gabadha.

“Waxay u muuqatay inay caadi tahay in hubka ay la gasho waddanka UK si ay nafteeda ugu difaaco, si cadna umay fahamsanayn in haysashada hubka noocan ah uu aad khatar u yahay.”

Hayshada qoryaha noocan ah ayaa waxay mamnuuc ka yihiin waddamadan, waxaana uu qofku mutaystaa lix bilood oo xadhig ah ama ganaax lacageed oo ugu badnaan ah £5,000.

Waxa kale oo intaa dheer, in ay mamnuuc tahay in diyaaradaha lagu qaato oo dalalka loo kala gudbiyo, taas oo iyaduna ciqaabteeda leh.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*