CAJIIB: Real Madrid Oo Kaliya 25 Milyan Kula Wareegaysa Suuqa January Xiddig Dhawaan 225 Milyan Inay Ka Bixiyaan Loo Sheegay/

Advertisements

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay diyaarinayso dalab kaliya 25 Milyan ah oo ay suuqa soo socda ee bisha January ku doonayso saxeexa khadka dhexe ee Tottenham ee Christian Eriksen.

Eriksen maaha nooca ciyaartoy ee loo ogolaadi inay si fudud ku gaadho bilaha ugu dambeeya ee heshiiskiisa maadaama oo uu tayo heer sarre ah leeyahay kooxo badana ay qiimo jaban kaaga heli karaan haddiiba uusan xor ku bixin.

Tottenham ayaa hore u samaysay waxkasta oo ay heshiis cusub kaga saxeexan karaysay xiddiga ree Denmark iyadoo xata guddoomiye Daniel Levy uu maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii xagaaga ku tashaday inuu iibiyo kaddib markii xaqiiqsaday inuusan heshiiska kordhinayn.

Wakhtigaas Real Madrid ayaan doonayn saxeexa Eriksen maadaama oo ay ka shaqaynayeen dalabaadka tababare Zinadine Zidane oo ahaa Paul Pogba.

Haddaba, Guddoomiye Levy ayaa haatan lagu soo warramayaa inuu wakiilka xiddigan u sheegay inuu doonayo inuu iska iibiyo suuqa January si ay lacag uga sameeyaan kahor dhicitaanka heshiiskiisa.

Advertisements

Kooxda ree London ayaa ku doonaysa Eriksen aduun lacageed oo u dhaxeeya 20 ilaa 25 Milyan oo ah lacag aad u hooseysa marka loo eego xaalada suuqa maanta.

Waxa xusid mudan in dhawr suuq kahor ay maamulka sarre ee Tottenham u sheegeen dhigooda Real Madrid inay 225 Milyan miiska soo saaraan haddiiba ay doonayaan Eriksen balse uu xaalku maanta iyaga ku adag yahay.