CAJIIB: Man United Iyo Chelsea Oo Musiibo Dhex Dhigaya Arsenal, Aubameyang Oo Ay PSG Ka Iibin Karaan & Qaabka Ay U Suurogalayso.

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ay lagu soo warramayaa inay dalab kasoo gudbisay Paris Saint-Germain iyagoo doonaya inay bedel uga dhigaan Edinson Cavani oo u muuqda mid baxaya maalmaha soo socda.

Iyadoo ay wax ka yar hal toddobaad ka hadheen suuqa kala iibsiga ee bishan January, Inuu Aubameyang u dhaqaaqo PSG ayaa noqon karta waxaan suurogali karin laakiin haddiiba uu Cavani baxo ayuu noqon doonaa bar-tilmaameedkooda koowaad sida uu sheegayo FootMercato.

Arsenal striker Pierre-Emerick Aubameyang has emerged as a target for PSG

Il wareedkaas ayaa sheegaya in shaqsiyaad matala weeraryahanka ree Gabon ay la kulmeen wakiilo ka socda Paris Saint-Germain si ay uga wada xaajoodaan heshiis amaah ah oo inta xilli ciyaareedka ka hadhay ah hadhawna ay rasmi u bedeli karaan.

Dhinaca kale Cavani oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga ayaa doonaya inuu ka dhaqaajiyo PSG waxaana kooxaha saxeexiisa isha ku haya kamid ah Chelsea iyo Man United iyo waliba kooxda horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Saddexdaas kooxood gaar ahaan Blues iyo Red Devils oo Gunners kula xifaaltama Premier League ayaa ah kooxaha haya furaha heshiiskaas marka dhinac laga eego iyagoo Arsenal musiibo dhex dhigi kara maadaama oo haddii ay Cavani la wareegaan ay Paris iyaga soo weerari doonto.

Advertisements

Arsenal ayay tahay inay ku ducaysato in Cavani uusan koox cusub helin inta ka hadhay bishan, 32 jirkaas ayaa u muuqda mid doonaya ku biirista Atletico laakiin wax heshiis ah ayaan wali qabsoomin.

Chelsea ayaa dhinaceeda doonaysa inay inta xilli ciyaareedka ka hadhay amaah kula soo wareegto Cavani laakiin Paris ayaa kaliya doonaysa inay qaab rasmi ah u iibiso.

Comments are closed.