CAJIIB: Liverpool Oo Kulan Ay Ku Qiimaynaysay Erling Haaland Xiddig Kale Ku Caashaqday, Booska Uu Ka Ciyaaro & Qorsaha Uga Yaala

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa in kulankii dhawaan dhex maray xulalka Norway iyo Turkey oo ay rag soo indho-indheeya u dirsatay da’yarka weerarka dhexe e ee Erling Haaland kusoo arkootay xiddig kale oo si lama filaan ah u cajab geliyay.

Advertisements

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay hadda diyaarinayso dalab balse dalabkaas ayaan ahayn mid ay ku doonayso Haaland waxaana ay bedelkiisa rabaan goolhayaha xulka qaranka Turkey-ga ee Ugurcan Cakir.

Sida uu sheegay wargeyska Daily Express, shaqsiyaad indho-indhayn u waday Liverpool ayaa daawaday kulankii dhex maray labada xul Sabtidii ee ahaa mid ka tirsan isreeb-reebka koobka aduunka ee sanadka dambe Qatar ka dhacaya.

Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay inay la dhaceen bandhigii ciyaartaas ee goolhaye Cakir maadaama oo uu aamusiiyay goolna uga dhaartay Erling Haaland.

Advertisements

Turkey ayaa kulankaas guul raaxo leh 3-0 kusoo gaadhay kaddib laba gool oo ay ka heleen xiddiga Fenerbahce ee Ozan Tufan iyo gool uu dhaliyay daafaca Leicester City ee Caglar Soyuncu.

20 sano jirkaas ayaa 31 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u ciyaaray kooxdiisa Borussia Dortmund kusoo dhaliyay 33 gool waxaana  lala xidhiidhinayaa saxeexiisa badi kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub.

Dhinaca kale maaha markii ugu horreysay ee Liverpool lala xidhiidhiyo saxeexa goolhaye Cakir iyadoo hore loo sheegay inay u doonayaan si uu kaabis ugu noqdo Alisson Becker.

Sidoo kale kooxda ree London ee Chelsea ayaa saxeexa 24 sano jirkaas lala xidhiidhiyaya waxaana la sheegay inay ku dhawaadeen suuqii xagaaga ee sanadkii hore.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*