Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaaradiisa gaarka ah ka kireeyay madaxweynaha dalkiiisa Argentina ee Alberto Fernandez.
Madaxweyne Fernandez ayaa ka yaabsaday shaqsiyaadka kasoo jeeda dalkiisa Argentina sababtoo ah nooca gaadiid ee uu u doortay inuu ku tago dalka Mexico oo uu safar u ahaa.
Madaxweynaha Argentina ayuu dhigiisa ree Mexico ee Andrez Manuel Lopez Obrador ku casuumay oo uu ku marti-qaaday inuu kala soo qayb galo xaflada dabaaldega sanad guuradii 200-aad ee madax-banaanida Mexico.
Arrinta qariibka ka dhigaysay safarka madaxweynaha ayaa ahayd inuu ku safray diyaarada Messi, 33 sano jirka Barcelona ayaa diyaarada mudo afar maalmood ah ka kireeyay isagoo 160,000 oo dollar ka qaatay mudadaas.
Messi ayaa lahaa mulkiyada diyaaradaas tan iyo markii uu iibsaday isaga oo jooga dalka Maraykanka sanadkii 2018 waxaana hadda lagu qiimeeyaa 15 Milyan oo dollar.
Marka uusan kabtanka Barcelona joogin dalkiisa Argentina, diyaarada ayaa ah mid taala gegida diyaaradaha ee Rosario oo ah halka uu ku dhashay ee uu kasoo jeedo.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora