Fernandes, Dias, Silva, Cancelo Iyo Xiddigaha Premier League Ee Lagu Daray Xulka Portugal Iyo Haddii Ay Geli Doonaan Karantiil

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa lagu daray xulka qaranka Portugal ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee usbuuca dambe, taas oo ay hore kooxdiisu uga walaacday inuu geli karayo karantiil, isla markaana ay si qasab ah uga joojinayso.

Advertisements

Bruno Fernandes ayaa ku jira toban laacib oo Premier League ah oo lagu daray xulka qaranka Portugal ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka, xilli ay jirto cabsida fayraska Korona iyo hayiraadda karantiilka ah ee ay geli karayaan marka ay kusoo laabtaan UK.

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskajer ayaa hore u sheegay in Bruno Fernandes uu ka joojin doono inuu u ciyaaro waddankiisa Portugal oo uu safar galo toddobaadka dambe, si uu uga baaqsado in dhawr ciyaarood oo xaasaasi ah uu ka maqnaado haddii karantiil la geliyo.

Waddanka Portugal ayaa ku jira dalalka uu Ingiriisku geliyey ‘Khaska Cas’ ee dadka kasoo safraya ay qasabka tahay in ku dhowaad laba usbuuc ay karantiil ahaadaaan iyagoon soo dhex-gelin dadka.

Advertisements

Laakiin Bruno Fernandes ayaa qayb ka noqon doona xulka qarankiisa, si la mid ah Diogo Jota, Bernardo Silva, Joao Cancelo, Ruben Dias iyo laacibiin kale oo u baxaya safarka ciyaareed ee daflkooda marka ay soo dhamaadaan ciyaaraha horyaalka ee bilowga toddobaadka.

Sababta ciyaartoydan loogu ogolaaday inay dalkooda usoo ciyaaraan ayaa waxay tahay in kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay waddankoodu ku qaabbili lahaayeen Azerbaijan loo raray Talyaaniga, gaar ahaan garoonka Juventus.

Labada ciyaarood ee kale ee iyaguna isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Serbia iyo Luxembourg ayuu xulka Portugal marti u noqonayaa dalalkan oo aan ku jirin kuwa khadka cas uu Ingiriisku mariyey, sidaas ayaanay xiddigahani kaga badbaadi doonaan inay karantiil galaan marka ay kusoo laabtaan UK.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*