Bruno Fernandes Oo Dalbaday In Heshiiskiisa Manchester United Lagu Daro Qodob Xorriyad U Siinaya Inuu Iska Tegi Karo

Bruno Fernandes ayaa iska diiday inuu ogolaado heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa Manchester United, kaas oo uu toddobaadkii ku qaadanayo lacag gaadhaysa £200,000 Gini.

Advertisements

Fernandes ayaa dalbaday in heshiiska lagu soo daro qodob xaasaasi ah oo ah in loo damaanad qaado inuu iskaga tegi karayo kooxda marka uu doono, haddii kalena aanu saxeexi doonin heshiiska.

Warkan oo soo baxay xilli ay Manchester United madax xanuun ka qaadday Edinson Cavani oo doonaya inuu iskaga tago Old  Trafford, sida uu sheegay aabbihii, ayaa waxa ay isku dayaysaa inay heshiis waqti dheer ah ka saxeexdo Bruno Fernandes, iyadoo sare loo qaadayo mushaharkiisa.

Heshiiska cusub ee ay United u bandhigtay Bruno Fernandes ayaa ah shan sannadood oo usbuucii uu ku qaadanayo lacag dhan £200,000 Gini, taas oo ay albaabada kaga xidhayso inuu daymoodo meel kale xataa haddii ay kooxdu kusii jirto koobab la’aanta.

Advertisements

Laakiin 26 jirkan reer Portugal ayaa iska diiday inuu ogolaado heshiiskan, waxaanu u sheegay kooxdiisa in uu u baahan yahay damaanad ah in aan laga xakamayn doonin mustaqbalka inuu iskaga tago kooxda haddii uu sidaas damco.

Laacibkan ayaa la sheegay in aanu ku qanacsanayn heerka tayada kooxda oo uu saluugsan yahay sida ay u yar tahay fursadahooda Champions League iyo Premier League, iyadoo xilli ciyaareedkanna ay mar kale kasoo muuqanayaan tartanka Europa League kaddib markii ay ku hadheen wareeggii hormooyinka sidoo kalena ay quus ka taagan yihiin horyaalka Premier League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*