Bruno Fernandes Oo Barbareeyay Rikoodhka Lionel Messi Laakiin Xiddigaan Ayaa Labadoodaba ka Fiican

Bruno Fernanes ayaa saameyn weyn yeeshay tan iyo markii uu Manchester United uga soo biiray kooxda Sporting Lisbon sannad ka hor.

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee Portugal ayaa tan iyo markii uu tagay Old Trafford wuxuu dhaliyay 34 gool isagoo sameeyay 20 caawin 59 kulan uu saftay.

Wadar ahaan Fernandes wuxuu gacan ka geystay 54 gool mudadii uu United joogay, wuxuuna barbareeyay Lionel Messi oo isna 54 gool gacan ka heystay mudadaas isagoo dhaliyay 33 gool islamarkaana caawiye ka noqday 21 gool kale.

Kaliya hal ciyaaryahan oo ka dheela horyaalada ugu waa weyn Yurub ayaa labadaan xiddigba garaacay waa Robert Lewandowski kaasoo dhaliyay 54 gool islamarkaana sameeyay 14 caawin mudadaas.

Advertisements

Seddexda ugu sareysa waxaa ku jira Cristiano Ronaldo oo 48 gool gacan ka geystay (41 gool uu dhaliyay & 7 caawin), Erling Haaland 46 gool gacan ka geystay (38 gool iyo 8 caawin) iyo Lukaku oo isna 46 gool gacan ka geystay (39 gool iyo 7 caawin).

Fernandes ayaa sidoo kale ku jira rikoodh kale isagoo ka mid ah kaliya seddex ciyaaryahan oo ka ciyaarta shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ee goolasha iyo caawintaba ka gaaray tirada tobaneeyo xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee Sporting ayaa liiskaan ku hogaaminaya 15 gool iyo 10 caawin, waxaa ku xiga weeraryahanka Tottenham Harry Kane oo dhaliyay 13 gool iyo 11 caawin iyo xiddiga Bayern Munich Thomas Muller oo sameeyay 10 gool iyo 10 caawin.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*