Brock Lesnar Oo Dhibane U Noqday Shuban Ka Soo Fakaday Big Show Xilli Ay Ciyaar Musaarico Ah Ku Jireen

Advertisements

Brock Lesnar iyo Big Show waa labo ka mid ah xiddigaha ugu xooga weyn musaaricada madaadalada ah, waxaana ay inta badan soo bandhigayeen ciyaaro madadaale ah oo lagu riyaaqay.

Si kastaba, waxaa jiray hal dhacdo oo ay labada nin jeclaan lahaayeen inay iska ilaawaan.

Brock Lesnar ayaa ka qeyb qaatay barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo uu soo qaban qaabiyay Rod Pederson oo ay ka qeyb galeen ilaa iyo kun qof oo ka dhacay xarunta Prince of Wales Centre, waxaana uu barnaamijkaas kaga hadlay ciyaar musaarico oo uu la lahaa Big Show taasoo qalad weyn oo lama ilaawaan ah uu ka dhacay.

Lesnar iyo Show ayaa ciyaar musaarico ah ku sameynayay South Africa oo ay markaas WWE booqasho ku joogtay, waxayna aheyd waqti uu Brock Lesnar soo baxayay oo uu dardar ku socday.

Big Show oo magaciisa dhabta ah la yiraahdo Paul Wight ayaa calool xanuun qabay ka hor ciyaarta, inkastoo uu xanuunsanaa hadana waxa uu go’aansaday inaan la baajinin ciyaarta musraacida oo sidii loogu talogalay ay u dhacdo.

Ka dib markii Lesnar uu kor u qaaday Shaw islamarkaana uu ku dhuftay masraxa, Big Show waxaa ka soo fakaday shuban, waxaana nasiib darro uu ku haleeyay Brock Lesnar.

Isagoo dhacdada ka hadlay, Pederson ayaa yiri: “Lesnar ayaa barnaamijka su’aalaha iyo jawaabaha noogu sheegay in hal habeen bandhig ay ku qabteen South Afrika in Big Show uu calool xanuun hayay.

Advertisements

“Lesnar ayaa inta kor u qaaday ku daayay oogada masraxada, waxaana Show ka soo fakaday shuban uu kuwada haleeyay Lesnar.”

Waxaa nasiib wanaag aheyd in bandhiga musaaricada uu ahaa mid aan laga baahinin TV sida RAW ama SmackDown.

One response to “Brock Lesnar Oo Dhibane U Noqday Shuban Ka Soo Fakaday Big Show Xilli Ay Ciyaar Musaarico Ah Ku Jireen”

  1. gulleit Shanta says:

    waxa ay Ahaan Lahayda inaan La jooniyo inta uu ka pogsanayo ciyaarahanku