Borussia Dortmund Oo Si Dadban U Ciqaabtay Xiddiga Diiday Inuu Iyaga U Saxiixo Ee Achraf Hakimi

Borussia Dortmund ayaa kursiga keydka dhigtay Achraf Hakimi kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka Bundesliga madaama uu qarka u saaran yahay inuu 45 milyan euro ugu wareego Inter Milan.

Inter ayaa haatan ka shaqeyneysa faahfaahinta dhameystirka heshiiska ay kula wareegeyso Hakimi iyadoo heshiiska uu ka sarre mari karo 45 milyan euro madaama ay ku jiraan lacago ku xiran qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

Sida la filayay xiddiga amaahda uga soo maqan Real Madrid ayaa keyd la dhigay iyadoo Dortmund ay maanta la ciyaareyso kooxda Hoffenheim.

Inkastoo BVB aysan jirin wax ay u ciyaareyso madaama ay xaqiijisteen booskooda kaalinta labaad, waxaa macquul ah in xiddigaan keyd loo geliyay sababo la xiriira u wareegistiisa Nerazzurri.

Inter Milan ma ciyaarsiin karta Achfar Hakimi ilaa iyo xilli ciyaareedka danbe, madaama suuqa kala iibsiga xagaaga uu furmayo 1da bisha September.

Waxaa isna keyd fadhiya xiddiga Ingariiska ee aadka loo qiimeeyo Jadon Sancho kaasoo lala xiriirinayay kooxaha Premier League.

Sancho waxaa doonaya kooxo badan oo ay ka mid tahay kooxdiisa hore ee Manchester City iyo kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*