Boqorka Kubada Cagta Pele Oo Sharaxay Sababta Uu Cristiano Ronaldo Uga Fiican Yahay Lionel Messi – Ayuuse U Arkaa Xiddigii Abid Ugu Fiicnaa Kubada Cagta?

Advertisements

Dooda ku saabsan Lionel Messi vs Cristiano Ronaldo ma ahan mid waligeed dhamaan doonta.

10kii sannadood ee ugu danbeysay, taageero walba oo kubada cagta ah waxa uu u janjeersaday midkood labadaan xiddig.

Inkastoo fekerka taageerayaasha uu yahay mid kale qeybsan hadana waxaa xiiso leh in la arko fekerka halyeeyada kubada cagta.

Boqorka kubada cagta Pele ayaa shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu ka fiican yahay Lionel Messi. Pele ayaa aaminsan in Ronaldo uu si joogta ah u soo bandhigo qaab ciyaareed fiican marka loo eego xiddiga ay xafiiltamaan, ka hor inta uusan xusin in Messi uusan aheyn gooldhaliye.

“Maanta ciyaaryahanka ugu fiican dunida waa Cristiano Ronaldo” ayuu Pele u sheegay kanaalka YouTube ee Pilhado.

“Waxaan qabaa inuu yahay midka ugu fiican sababtoo ah si joogta ah ayuu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaa, laakiin ma ilaawi kartid dabcan Messi, laakiin isagu ma ahan gooldhaliye.”

856 kulan ayuu Messi u saftay dalkiisa iyo kooxdiisa, iyadoo uu xiddiga reer Argentina dhaliyay 697 gool iyo 298 caawin.

Ronaldo waxa uu dhaliyay 725 gool halka uu sameeyay 220 caawin 1000 ciyaarood uu saftay.

Laakiin markii Pele la weydiiyay xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta waxa uu yiri:

Advertisements

“Waa su’aal ay adag tahay in laga jawaabo. Ma ilaawi karno Zico, Ronaldinho iyo Ronaldo.

“Yurub waxaa ugu fiican abid Franz Beckenbauer iyo Johan Cruyff. Hadaba aniga qaladkeyga ma ahan laakiin waxaan qabaa inaan aniga ugu fiicanahay dhamaantood.”

Comments are closed.