BOQORKA KOOBABKA: Muxuu Yahay Rikoodhka Uu Haysto Zinedine Zidane Ee Walaaca Ku Abuuraya Atletico Madrid?

Advertisements

Zinedine Zidane ayaa caawa koobkiisii tobnaad u qaadi doona Real Madrid isaga oo tababare ah haddii ay Atletico Madrid kaga adkaadaan finalka Spanish Super Cup oo ay ku dheelayaan waddanka Saudi Arabia.

Tababare Zidane ayaa siddeed jeer oo hore oo uu Real Madrid keenay Final, waxa dhamaantood uu u qaaday koobabkii, iyadoo aanu jirin hal koob oo lagaga guuleystay isagoo final yimid.

Muddo ka yar saddex sannadood oo uu tababare u ahaa, waxa Zidane uu la qaaday Saddex Champions League, laba UEFA Super Cup, laba Club World Cup, hal LaLiga iyo hal koob oo Spanish Super Cup ah, taas oo ka dhigan in sagaal koob oo hore uu usoo qaaday ka hor intii aanu si lama filaan ah uga tegin kooxdan oo uu dib ugu soo laabtay.

Koobka kaliya ee aanu Zidane u qaadin Real Madrid intii uu tababaraha ahaa waa Copa del Rey, hase yeeshee waxa uu fursad u haystaa in caawa uu koobkii 10aad qaado sagaal jeer oo uu ciyaarta ugu dambaysa ee finalka yimid.

Xilligiisii tababare ee ugu horreysay, Zidane waxa uu maamulay Los Blancos 149 ciyaarood, waxaanu guuleystay 105 kulan, 28 barbarro ah iyo 16 laga badiyey, laakiin waxa kulamadaas tirada yar uu ku helay sagaal koob oo saddex isku xiga ay Champions League yihiin iyo horyaalka oo ay muddo ka maqnaayeen oo uu usoo celiyey.

Waqtigaas hore, isla markii uu tababarenimada kala wareegay Rafa Benitez oo dhawr bilood ku fashilmay, waxa uu ku bilowday guulo iyo qaab ciyaareed cajiib ah oo ka caawiyey inuu wax walba ku guuleysto.

Xili ciyaareedkii 2015/16 waxa uu finalkii Champions League rikoodheyaal kaga qaaday Atletico Madrid, midkii xigay waxa uu 4-1 ku bahdilay Juventus iyo midkiisa saddexaad oo ahaa xili ciyaareedkii 2017/18 oo uu Liverpool ku garaacay 3-1.

Sannadkii 2016, waxa uu markiisii ugu horreysay ku guuleystay Club World Cup oo ay ka qaadeen kooxda reer Japan ee Kashima Antlers oo ay 4-2 ku muquuniyeen, 12 bilood kaddibna Gremio oo reer Brazil ah ayay ku garaaceen 1-0.

Isla sannadkaas 2016, Real Madrid oo uu hoggaaminayo Zinedine Zidane waxay 3-2 ku garaacday Sevilla oo ay ka qaadday UEFA Super Cup, sannadkii xigayna waxay koobka ka qaaatay Manchester United oo ay 1-0 ku jiidhay.

2017 waxa  finalkii Spanish Super Cup oo laba lugood ahaa ay isku haleeleen Barcelona, waxaanay isku-darka ku garaaceen 5-1, taas oo waayaha Zinane ku qurxisay koobab miidhan.

Advertisements

Xogtan sare ku xusan, waxay caddaynaysaa in aanu jirin final uu Zidane tegay oo lagaga adkaaday, waana xogta caawa walaaca ku abuuraysa Atletico Madrid,.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Zidane uu caawa haystaa fursad uu Real Madrid kula guuleysto koobkiisii ugu horreeyey intii uu kusoo laabtay, isla markaana tirada guud ee koobabka uu kooxdan u qaaday kaga dhigto 10 koob.

Leave a Reply

Your email address will not be published.