Boateng Iyo Goretzka Oo Isku Dhex Dilay Garoonka Tababarka Bayern Munich Iyo Faahfaahin Laga Helay Sidii Wax U Dhaceen

Advertisements

Labada ciyaartoy ee isku kooxda ah ee Jerome Boateng iyo Leon Goretzka ayaa Arbacadii shalay isku dhex laayey garoonka tababarka Bayern Munich, halkaas oo ay goob joog u ahaayeen tababaraha iyo ciyaaryahannada kale ee naadiga.

Munich oo labadii ciyaarood ee u dambeeyey dib u helaysay qaab ciyaareedkoodii lagu yaqaanay, isla markaana dhaliyey sagaal gool iyadoo shabaqoodu nadiif yahay, ayaa waxa shalay ruxay warka warbaahinta galay ee dagaalka lBoateng iyo Goretzka oo gacmaha iskula tegay xilli ay tababar ku jireen.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, Goretzka ayaa khalad ku galay Boateng iyagoo kubadda ku loollamaya, waxaana taas ka cadhooday daafaca xulka qaranka Germany oo gacan ka hadal kaga jawaabay ka hor intii aanay si buuxda ugu dagaallamin garoonka dhexdiisa.

Robert Lewandowski ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey dhexdooda gala, waxaanu dib usoo jiiday Boateng, halka Goretzka uu qabtay tababare Flick oo markii dambena labada ciyaartoyba si gaar ah ula hadlay.

Advertisements

Thomas Muller ayaa isku dayey inuu xiisadda dejiyo xilli ay xaraaraddu meel addag maraysay, laakiin Goretzka ayaa la qaban kari waayey oo iska indho-tiray Muller isla markaana damcay inuu markiisa gacanta saaro difaaca Madow, waxaase isku duubay ciyaartoyga kale ee kooxda.

Xilli dambe waxa baraha bulshada lasoo dhigay Goretzka iyo Boateng oo hal sawir ku wada jira iyagoo dhoola-daddaynaya, waxaana qoraal kooban lagu yidhi: ” War deg-deg ah, Kubadda cagta ayaa xamaasadda wadata, qof walba wuu raaxaysanayaa, waxaananu nahay qoys kaliya.”

Comments are closed.