Waxa laga go’aamiyey waqtiga la dhegaysan doono dacwadda kiiska loo haysto weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema oo ku eedaysan in uu qayb ka qaatay cajalad laga duubay Mathieu Valbuena oo samaynayay gogol-dhaaf.
Karim Benzema ayaa sannadkii 2015 waxa uu xidhiidh la sameeyey Valbeuna oo ay xulka qaranka Faransiiska u wada ciyaarayeen kaddib markii uu xog ka helay rag u sheegay in ay cajalad ka duubeen isagoo dumar la tumanaya, waxaase Karim uu la kulmay dhibaato ah in isaga lagu eedeeyey in uu qayb ka ahaa arrintaas.
Ragga cajaladda duubay ayaa ka dalbaday Valbuena inuu bixiyo lacago baad ah, haddii kalena ay muuqaallada baahin doonaan, waxaanu Benzema isku dayay inuu dhexdhexaadiyo maadaama ay is yaqaaneen mid ka mid ah nimanka cajaladda duubay.
Kiiskan ayaa sababay in Benzema laga caydhiyo xulka qaranka France.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, maxkamadda Faransiiska ayaa go’aamisay in kiiskan la dhegaysto bisha October ee sannadkan, iyadoo uu Benzema hor imanayo maxkamadda.
Dhegaysiga ayaa socon doona October 20-22 ee sannadkan, waxaana haddii Benzema lagu helo dembigan uu mutaysan doonaa xadhig shan sannadood ah.
Waqtigii ay arrintani soo baxday ayuu Benzema ku dooday in la-qalad fahmay, isagoo yidhi: “Waxa jira is-faham darro weyn. Markii u horreysay, waxa aan doonayay in aan Mathieu ku wargeliyo arrintan iyo in aan caawiyo, sababtoo ah anigaba sidaas oo kale way igu samayn karayeen. Isagu (Mathieu) waa qof aan kala soo ciyaray xulka qaranka iyo saaxiibkay.”
Tan iyo intii ay bilaabantay arrintan, Benzema laguma soo darin xulka qaranka Faransiiska, waxaanu ka maqan yahay tan iyo sannadkii 2016kii.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Xita hadi lugu helo magalayo bail ayuu dhiwa