Benzema, Casemiro, Ramos Iyo Xiddigaha Kale Ee Real Madrid Ee Madax Xanuunka Ku Dilay Zinedine Zidane Ka Hor Kulanka Villarreal

Advertisements

Zinedine Zidane ayay xulashadu ku yar tahay kulanka maanta ay martida ugu yihiin, waxaanu ka baqayaa in guul-darro kale ay soo gaadho marka uu maanta ka hor tago Villarreal.

Los Blancos ayay ka maqan yihiin dersin ciyaartoydeeda kooxda koowaad ah xilli ay ku dedaalayaan inay kasoo kabtaan guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Valencia ugu geysatay Mestalla toddobaad ka hor.

Tababaraha reer France ayaa shaaciyey in kabtan Sergio Ramos uu dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga haaa, isla markaana uu dhawr ciyaarood seegi doono, waxaana ugu horreysa ciyaarta maanta ee Villarreal.

Advertisements

Laakiin dhibaatada kale  ee jirta ayaa waxay tahay in kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro oo uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras uu isaguna wali sii maqnaanayo oo aanu ka bogsanin cudurkan, taas oo ay usii raacayso in difaaca kale ee reer  Brazil ee Eder Militao aanu isaguna qayb ka noqon doonin ciyaarta maanta.

Weeraryahanka Karim Benzema ayaa isaguna awoodi waayey inuu kasoo kabto dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Valencia, waxaanay ka dhigan tahay in xiddigihii uu Zidane ugu kalsoonida badnaa ay maqan yihiin.

Luka Jovic oo beddeli lahaa Benzema ayaa isaguna xanuunka Korona uu ku dhacay oo karantiil la geliyey, halka Fede Valverde uu isaguna dhaawac ku maqan yahay.

Zinedine Zidane oo shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Villarreal ayaa waxa  kale oo aan ka muuqanin Alvaro Odriozola oo wali dhaawacii aan kasoo kabanin.

Warka wanaagsan ee Los Blancos ay heshay ayaa waxa uu yahay inuu kooxda dib ugu soo laabtay difaaca midig ee Dani Carvajal oo muddo dhaawac ahaa iyo Nacho Fernandez, halka Eden Hazard uu isaguna kasoo kabtay xanuunka Korona Fayras oo isku mar ay qaadeen Casemiro.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Real Madrid ee Zinedine Zidane usoo xushay kulanka Villarreal:

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Dani Carvajal, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Ferland Mendy, Victor Chust.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Martin Odegaard, Isco, Oscar Aranda.

Weerarka: Eden Hazard, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*