Bayern Munich Oo U Diiday Robert Lewandowski Inuu Ka Hor Yimaado Xulka England Dhamaadka Bishaan

England ma wajihi doonto Robert Lewandowski marka ay la ciyaarayaan Poland kulan ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka 11 maalmood ka dib halka xulka Austria uu isna ka maqnaan doono David Alaba kulanka ay la dheelayaan Scotland.

Advertisements

Kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ayaa bilaabanaya isbuuca danbe iyadoo waqti adag ay ku tahay xulalka qaranka sababo la xiriira Korona Fayras oo xadiday safaradii la isku booqan jiray.

Kooxda Liverpool ayaa aheyd kooxdii ugu horeysay ee sheegta inay ka mamnuuci doonto ciyaartoydeeda inay u safraan wadamo qasab ka dhigeysa in xiddigahooda ay karantiil galaan 10 maalmood marka ay ku soo laabtaan Liverpool.

Sharci la mid ah ayaa ka jira dalka Jarmalka taasoo la micno ah in Bayern Munich ay diiday Lewandowski inuu u safro Ingariiska 31ka bishaan madaama uu geli doono labo isbuuc oo karantiil ah marka uu ku laabto Jarmalka.

Advertisements

Jarmalka ayaa ku daray UK wadamada halista ah ee Korona Fayras taasoo qasab ka dhigeysa qof walba oo u safra inuu labo isbuuc karantiil galo marka uu Jarmalka ku laabto.

Agaasimaha Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa xaqiijiyay in taasi ay la micno tahay inay ciyaartoydooda u diideen inay u safraan UK.

“Haddii sharciga uu yahay in ka soo laabashada England ay karantiil galayaan, markaas uma ogolaaneyno in Lewandowski la ciyaarsiiyo” ayuu yiri Salihamidzic.

Weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund ayaa loo ogol yahay inuu xulkiisa u dheelo kulamada Hungary iyo Andorra ee isreebraabka Koobka Adduunka ka hor inta uusan ku laabanin Bayern Munich.

Alaba ayaa isna la mid ah madaama xulkiisa Austria uu u safrayo Soctland, isna looma ogolaan doono inuu u safro UK laakiin wuxuu xulkiisa u dheeli doonaan kulamada Faroe Islands iyo Denmark.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*