Bayern Munich Oo Soo Nooleysay Xiisaheeda Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Tayada Fiican Ee Chelsea & Heshiiska Ay Ku Doonayaan Oo La Soo Bandhigay

Advertisements

Bayern Munich ayaa dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda xiddiga garabka ka ciyaara ee Chelsea Callum Hudson-Odoi sida ay sheegeyso Sky Sport Germany.

19 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa xagaagii la soo dhaafay ku guuldareystay inuu u wareego kooxda Jarmalka oo si weyn u dooneysay isagoo iska sii joogay Stamford Bridge.

Laakiin sidii uu filayay uma aysan noqonin joogistiisa Chelsea, waxaa hareeyay dhaawacyo halka uu sidoo kale boos joogta ah ka waayay kooxda tababare Frank Lampard.

Advertisements

Madaama Chelsea ay xagaagan soo iibsatay xiddigo badan oo weerarka caawiya sida Timo Werner, Kai Havertz iyo Hakim Ziyech, waxaa sii yaraaneysa fursada uu Hudon-Odoi ka heli karo Chelsea.

Kooxaha RB Leipzig iyo Juventus ayaa sidoo kale xiiseynaya 19 jirkaan garabka ka ciyaara ee lagu tuhmayo inuu noqon karo xiddig weyn mustaqbalka.

Hudson-Odoi ayaa muddo dheer diirada u saarnaa kooxda Bayren Munich. Waxaa laga diiday dalabyo ay ka soo gudbiyeen xiddigaan xagaagii la soo dhaafay iyo weliba suuqii kala iibsiga ee bishii Janaayo.

Madaama Bayern Munich ay ku guuldareysatay inay si joogta ah u la wareegto xiddigii ay amaahda ku heysatay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Ivan Perisic kaasoo ku laabtay Inter Milan, waxay kooxda diiradeeda u weecineysaa Hudson-Odoi.

Sida ay sheegtay Sky Sports Germany, Bayern Munich ayaa dooneysa inay heshiis amaah ah kula wareegto 19 jirkaan islamarkaana qiyaar loo siiyo inay si joogta ah kula wareegi karaan xagaaga danbe.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*