Bayern Munich Oo Qarka U Saaran Saxeexa Mid Kamida Xiddigaha Uu Tababare Zinadine Zidane Ugu Jecel Yahay Real Madrid

Sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya dalka Spain, Bayern Munich ayaa aad ugu dhaw saxeexa xiddiga Real Madrid ee Lucas Vazquez oo kamid ah xiddigaha uu tababare Zinadine Zidane aadka u jecel yahay.

Advertisements

29 sano jirka ree Spain oo xilli ciyaareedkan 31 kulan usoo ciyaaray Real Madrid tartamada oo dhan ayuu heshiiskiisasi kooxdaasi yahay mid dhacaya xagaaga oo si bilaash ah lagu heli karo.

Xiddigan boosaska badan ka ciyaari kara ee dhinacyada badan ka caawiya tababare Zidane ayaan wali heshiis cusub kooxda la gaadhin walow uu ahaa mid si joogto ah kooxda koowaad uga soo muuqda tan iyo sanadkii 2015.

Sida lagu sheegay wargeyska ree Spain ee AS, Bayern Munich ayaa meel wanaagsan marinaysa wadahadalada ay qaabka bilaash ah ugula wareegayso Lucas Vazquez xagaaga walow aan wali wax heshiis ah la isla meel dhigin.

Advertisements

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa walow uu diiday heshiis cusub oo dhawaan loosoo bandhigay haddana uu wali qabo rajo ah inay qandaraas kordhin isku af-garan karaan Real Madrid.

Tababaraha Bayern ee Hansi Flick ayaa la sheegayaa inuu la dhacsan yahay sida uu boosas badan oo kala duwan uga ciyaari karo 29 sano jirkaasi waana sababta uu u doonayo in si deg-deg ah loosoo dhammaystiro heshiiskiisa.

Bayern ayaa ugu horreysa tartanka balse aan kali ku ahayn maadaama oo Lucas sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha Premier League ee Tottenham iyo Everton.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*