HANJABAAD: Bayern Munich Oo U Hanjabtay Xulka Jarmalka Haddii Goolhaye Marc ter Stegen Uu Booska Kala Baxo Manuel Neuer

Advertisements

Dooda ku saabsan cida noqoneysa goolhayaha koowaad ee xulka Jarmalka ayaa si weyn isku bedeshay maanta ka dib markii Bayern Munich ay ku hanjabtay inay xiddigahooda u diidi doonaan inay u ciyaaraan xulka Jarmalka haddii goolhaye Marc ter Stegen lagu soo bilaabo shaxda xulka iyadoo Manuel Neuer uu joogo.

Intii lagu guda jiray ciyaaraha caalamiga, Ter Stegen ayaa ka hadlay sida uu uga careysan yahay inaan lagu soo bilaabin labadii kulan ee ay xulka Jarmlka ciyaareen iyadoo laga doorbiday goolhayaha Bayern Munich Manuel Neuer.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay wargeyska Jarmalka ee Bild Bayern Munich ayaa ugu hanjabtay xiriirka kubada cagta Jarmalka inay joojin doonaan in ciyaartoydooda ay matalaan xulka qaranka haddii tababare Low uu go’aansado inuu booska goolka ku soo bilaabo goolhayaha Barcelona iyadoo Neuer uu diyaar yahay.

Madaxweynaha kooxda Uli Hoeness oo diiday inuu ka hadlo haddii xaaladaan ay la mid tahay tii dhexmartay goolhayayaashii hore Oliver Kahn iyo Jens Lehmann sannadii 2006 ayaa yiri:

“Marnaba ma aqbali doonin isbedel lagu sameeyo booska goolhayaha. Ka hor inta aysan taasi dhicin ciyaartoy uma diri doono xulka qaranka.”

Advertisements

Sida uu qabo sharciga FIFA kooxaha ayaa ku qasban inay ciyaartoydooda fasaxaan haddii looga soo yeero xulka qaranka laakiin waxaa jira marmarsiiyo ciyaartoyda ay ku ceshan karaan kooxaha taasoo u ogolaaneysa Bayern Munich inay xiddigaheeda ka horjoogsato xulka qaranka.

Goolhayaha Barcelona ayaa la filayaa in lagu soo bilaabi doono mid ka mid ah labada kulan ee ay xulka Jarmalka ciyaari doonaan bisha October.