Bayern Munich Oo Dhamyastirtay Heshiiska Leroy Sane Iyo Xogta Cusub Ee Laga Helay Jarmalka

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga Leroy Sane oo ay kala wareegayso Manchester City, kaddib markii uu laacibkani diiday inuu kusii negaado Etihad Stadium oo uu qandaraaska u kordhiyo.

Sida uu ku warramay wargeyska caanka ah ee Bild ee kasoo baxa waddanka Germany, Bayern Munich iyo Manchester City ayaa mar hore heshiis ka gaadhay iibka ciyaartoygan, waxaanay kooxda reer Bavaria bixinaysaa lacag dhan 50 milyan oo Euro.

Xiddigan da’da yar ayuu wargeysku sheegay inuu qalinka ku duugayo heshii shan sannadood ah oo ku hayn doona Munich illaa sannadka 2025.

Warkan oo kusoo beegmay xilli la sheegayo in Man City ay isku diyaarinayso in lacagta ay laacibkan ka hesho inay suuqa la geli doonto oo ay kusoo iibsan doonto Kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish oo ay Man City kula dagaallami doonto, ayaa waxa uu soo afjarayaa waayihii Leroy Sane ee Etihad Stadium.

Tababare Pep Guardiola ayaa dhowaan xaqiijiyey in Sane uu ka tegayo kooxdiisa oo la iibin doono, waxaase uu ku xidhay hal shuruud oo kaliya oo ah inay helaan dalab macquul ah, haddii kalena ay sii haysan doonaan xili ciyaareedka dambe oo ah sannadkiisa ugu dambeeya qandaraaskiisa, isla markaana ay bilaash kusii deyn doonaan.

“Wuxuu doonayaa inuu tago.” Ayuu yidhi Guardiola oo intaa ku daray: “Ma garanayo haddii uu xagaagan tegi doono ama xagaaga dambe marka uu qandaraaskiisu dhamaado.”

Guardiola waxa uu amaanay tayada ciyaareed ee Leroy Sane, waxaanu yidhi: “Wuxuu leeyahay tayo khaas ah, balse waxaanu doonaynaa inaanu sii haysano ciyaartoyda doonaya inay kooxdan la gaadhaan ujeeddooyinkeeda.

“Waa wiil wanaagsan oo aan aad u jecelahay. Ma jirto wax aanu iskaga hor nimid, laakiin isaga ayaa doonaya inuu meel kale tago.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*