Barnaamijka El chiringuito & Wargeyska L’Equipe Oo Kashifay Sir Qarsoon Oo Ku Saabsan Xiriirka Ka Dhaxeeya Messi, Suarez & Griezmann.

Advertisements

Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ayaa ku fashilmay iney isla jaanqaadaan, waxaana la fahamsan yahay in labadaan ciyaartoy uusan ka dhaxeynin xiriir wanaagsan marka laga reebo iney wada gutaan waajibaadkooda shaqo ee kooxda Barcelona.

Inkastoo ay jirtay in dhawr jeer warbaahinta ay soo calaameeyeen sida ay Lionel Messi, Nelson Semedo iyo Luis Suarez isaga indho-tireen iney kubadda u baasaan Antoine Griezmann hadana waxaa ugu dambeysay ciyaartii Slavia Parague markaas oo Messi uu kubadda u diiday xiddiga reer France, Si kastaba haatan waxaaba soo baxaya warar sheegaya in kabtanka Argentina uusan xitaa la hadlin Griezmann.

Barnaamijka El Chiringuito oo ah madal lagu faaqido arrimaha kubadda cagta ayaa lagu soo bandhigay xog ku saabsan in Lionel Messi iyo Antoine Griezmann aysan xitaa isla hadlin marka ay ku jiraan qolka labiska, waana sheeko kale oo sii hurineysa xaaladda hadda taagan.

 

Iyadoo ay taasi jirto hadana wargeyska L’Equipe ee laga leeyahay dalka France oo xiganaya News18 ayaa ka dhawaajiyay in Antoine Griezmann uu xiriri qalafsan la leeyahay Luis Suarez oo aad saaxiib ula ah Lionel Messi.

Advertisements

Sidoo kale waxaa jirtay warbixin sii horreysay oo tilmaameysa in labadaan xiddig ee Koonfurta America kasoo jeeda ay isku dayeen iney hor istaagaan saxiixa xiddigaan, balse markii la waayay Neymar Junior ay qasab noqotay in la keeno Camp Nou.

Ugu dambeyntiina xiriirka xun ee Griezmann kala dhaxeeya Suarez ayaa la fahamsan yahay inuu xumeeyay kan uu la leeyahay Messi, balse Pique oo dhawaan ka hadlayay arrimahaan wuxuu qiray in xiddigaha kooxda ay leeyahiin xiriir wanaagsan, balse xiriirka ka dhaxeeya Messi & Suarez uu yahay mid ay ku walaaloobeen xaalado badan.

One response to “Barnaamijka El chiringuito & Wargeyska L’Equipe Oo Kashifay Sir Qarsoon Oo Ku Saabsan Xiriirka Ka Dhaxeeya Messi, Suarez & Griezmann.”