Barcelona Shaqada Way Ka Caydhin Doontaa Ernesto Valverde Haddii Uu Hal SHURUUD Oo Ay Ku Xidheen Deg-Deg U Fulin Waayo & Tababaraha Bedelaya

Advertisements

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay shaqada ka caydhin doonto tababaraheeda Ernesto Valverde isla markaana ay magacaabi doonto tababaraha haatan ee Belgium ee Roberto Martinez haddii uu Valverde shuruud lagu xidhay kasoo bixi waayo.

Tababare Valverde ayuu saaran yahay culays weyni iyadoo gaar ahaan qaab ciyaareedkii toddobaadkan ee kulankii Slavia Prague uu ahaa hoos u dhac weyn.

Mid kamida sababaha ay Barca u dhibtoonayso ayay kamid tahay in xiddigaha kooxda ee Lionel Messi, Antoine Greizmann iyo Frankie De Jong dhammaantood aysan muujinayn qaab ciyaareedkii looga bartay.

Iyadoo ay xaaladu sidaas tahay ayuu wargeyska ESPN haatan shaaca ka qaaday in shuruuda kaliya ee ku xidhan shaqada Valverde ay tahay inuu badalo qaab ciyaareedka iyo natiijo xumada kooxda toddobaadyada soo socda.

Il wareedka ayaa intaas ku daraya haddiiba Ernesto uu ku fashilmo kasoo bixida shuruudaas ay qaadi doonto seefta madaxweynaha kooxda ee Josep Maria Bartomeu isla markaana laga caydhin doono kooxda.

Advertisements

Barca ayaa labada kooxood ee kala ah Celta Vigo iyo FC Cartagena la ciyaari doonta kahor fasaxa qaramada, Haddiiba uu Valverde natiijo quman ka keeni waayo kulamadaas ayay madaxda kooxdiisu dhaq-dhaqaaq samayn doonaan.

Tababaraha lala xidhiidhinayo ee Martinez ayaa ah mid haatan diirada saaraya inuu Belgium u diyaariyo tartanka EURO 2020 balse waxa uu sidoo kale ka fikiri karaa qabsashada Camp Nou walow ay adagtahay inuu u wareego kahor dhammaadka xilli ciyaareedka.

Comments are closed.