Barcelona, Real Madrid, Man City Iyo Chelsea Oo Jawaab Ka Helay Romelu Lukaku Oo Ay Saxeexiisa Raadinayaan

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa jawaab ka helay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo lala xidhiidhinayay in uu ka tegayo kooxdiisa Inter Milan oo uu goolal badan u dhaliyey xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Manchester City iyo naadigiisii hore ee Chelsea ayaa dhamaantood isha ku hayay 27 jirkan oo xilli ciyaareedkan saxeexay 25 gool oo dhamaan tartamada ah.

Laacibkan oo qandaraaskiisa Inter Milan uu soconayo illaa sannadka 2024 ayaa usbuucan horraantiisii ay soo baxeen warar sheegaya in uu doonayo in uu iskaga tago Talyaaniga, waxaana hanqalka lasoo kacay kooxaha sare ku xusan oo raadinaya weeraryahan dabiici ah oo hibo u leh dhalinta goolasha.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa helay xogta iyo xaqiiqada xaaladda Romelu Lukaku iyo waxa uu yahay qorshihiisu, waxaana uu quus ka dhigay kooxaha hungurigu ka hayo saxeexa laacibkan.

Advertisements

Sida uu qoray wargeysku, Romelu Lukaku waxa uu sii joogi doonaa Inter Milan illaa inta uu tababaraha ka yahay Antonio Conte oo ay leeyihiin xidhiidh dhow oo aad u xooggan, waxaanu tababarahani fure u noqonayaa in uu Romelu sii joogo San Siro.

Warka ayaa intaa ku daray, in Romelu Lukaku uu diyaar u yahay in uu wada-hadallo la bilaabo Inter Milan, kuwaas oo nuxurkoodu yahay in loo kordhiyo qandaraaskiisa iyo mushaharka uu waqtigan qaato intaba.

Laakiin haddii uu ka tago Antonio Conte, waxa uu Romelu Lukaku ka fikiri doonaa in uu beddelo qorshihiisa oo uu tago koox kale, sida uu wargeysku sheegay.

Romelu Lukaku ayaa xilli ciyaareedkan ahaa xiddiga ugu wanaagsan ee Inter Milan, iyadoo goolasha uu u dhaliyeyna ay ka caawiyeen in ay lix dhibcood ka sarreeyaan AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*