Barcelona Oo Weerar Ku Qaadaysa Afar Kamida Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub & AFARTA Weeraryahan Ee Ay Midkood La Wareegi Doonto Si Uu Luis Suarez Bedel Ugu Noqdo.

Advertisements

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo ee fadhigiisu yahay dalka Spain, Kooxda Barcelona ayaa weerar ku qaadaysa dhigeeda Inter Milan, Man United, Tottenham iyo Paris Saint-Germain oo ay dhammaantood weeraryahano ka doonayso.

Kooxda ree Catalonia ayaa raadinaysa saxeexii ay bedel uga dhigi lahayd weeraryahanka da’da haatan taagan ee Luis Suarez kaas oo qandaraaska uu ku joogo Camp Nou uu dhacayo bisha June ee sanadka 2021.

Barca waxa ay Inter ka doonaysaa Lautaro Martinez, PSG ayay ka raadinayaan Kylian Mbappe halka ay Man United iyo Tottenham kaga raad-joogaan Marcus Rashford iyo Harry Kane sida ay u kala horreeyaan.

Xiddigahaas ayaa dhammaan muhiim u ah kooxahooda, Lautaro ayaa ah hoggaanka weerarka tababare Antonio Conte ee Inter Milan halka Kylian Mbappe oo inta ugu badan lala xidhiidhinayo Real Madrid uu muhiimad weyn u leeyahay PSG.

Man United oo marka horeba xaalad weeraryahano yaraan ahi haysato ayuu muhiimad weyn u leeyahay Rashford halka Kane uu yahay udub dhaxaadka weerarka Spurs.

Si kastaba, Madaxda suuqa ee Barcelona ayuu Mundo Deportivo sheegayaa inay ka dhex xulan doonaan afartaas weeraryahan midka ay Suarez bedelka ugaga dhigayaan.

Qiimaha Suuqa Kala Iibsiga Ee Weeraryahanadas

1: Kylian Mbappe 200 Milyan

2: Harry Kane 150 Milyan

Advertisements

3: Marcus Rashford 80 Milyan

4: Lautaro Martinez 40