Barcelona Oo War Aan Fiicneyn Ka Heshay Xaalada Lionel Messi Ka Hor Kulanka Valencia & Waqtiga Uu Ciyaari Doona La Pulga Oo La Ogaaday

Advertisements

Waxay u muuqataa in Antoine Griezmann uu waqti kale sii sugi doono inuu ka dhabeeyo riyadiisii aheyd inuu ka garab ciyaaro xiddiga reer Argentina Lionel Messi.

Sida ay sheegtay jariirada Barcelona ka soo baxda ee Sport, waqtigii uu Messi ka soo kabsanayay dhaawaca kubka ah ee uu qabay ayaa qaadanaya waqti ka badan intii la filayay.

Dhakhaatiirta kooxda Barcelona ayaa meesha ka saaray in La Pulga uu taam u noqon karo kulanka horyaalka Spain ee ay Sabtida la ciyaarayaan kooxda Valencia.

Si kastaba, war wanaagsan ayaa ka soo baxay miiska daweynta iyadoo Luis Suarez la filayo inuu qeyb ka ciyaaro kulanka Sabtida isagoo ka soo kabsaday dhaawacii uu la maqnaa isbuucyadii ugu danbeeyay.

Lionel Messi ayaa dhaawac kubka ah uu ka soo gaaray tababarkiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan oo ku beegneyd 5tii bishii Agoosto, welina uma uusan ciyaarin kooxda Barcelona isagoo seegay kulamada horyaalka ee Athletic Bilbao, Real Betis iyo Osasuna.

Advertisements

Intii lagu maqnaa kulamada heerka caalami, Messi ayaa ka shaqeynayay sidii uu taam buuxda u noqon lahaa, laakiin kulanka Valencia ayaa noqday mid hoosta ka soo galay, isagoo aan weli ku soo laabanin tababarka buuxa ee kooxda.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Coutinho Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha Bayern, Lewandowski Oo Rikoor Barbareeyay & Bayern Munich Oo Hogaanka Bundesliga Qabatay

Xiddiga reer Argentina ayaa haatan bartilmaameedsanaya inuu ku soo laabto Barcelona ka hor kulanak Champions League ee ay 17ka bishaan September la ciyaarayaan kooxda Borussia Dortmund.

Comments are closed.