Barcelona Oo Waada Guulaha Dib Ugu Soo Laabatay Xilli Lionel Messi Uu Kala Diray Kooxda Celta Vigo.

Advertisements

Barcelona ayaa wadadii guulaha dib ugu soo laabatay kadib markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxeyna dib u hantiyeen hogaanka horyaalka iyagoo haatan farqiga goolasha kaga sarreeya kooxda Real Madrid.

Balaugrana waxey ciyaartaan u bilaabatay iyadoo aan wax guul ah gaarin labadii ciyaarood ee ka horreysay, sidoo kalana uu cadaadis badan saaran yahay tababare Ernesto Valverde oo la hadal hayay mudooyinkii ugu dambeeyay in laga ceyrin doono shaqada.

Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu si fudud u dhameystiray gool ku laad loo dhigay daqiiqadii 23-aad, Junior Firpo ayaana masuul ka ahaa in rigooradaas la dhigo.

Daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta, Lucas Olaza ayaa shumaca u shiday ciyaarta kaas oo laad xor ah shabaqa dhex dhigay wuxuuna ka toogtay meel goolka u jirta qiyaastii 25-tallaabo.

Intii lagu jiray wakhtigii dheeriga ahaa ee qeybta hore ayuu Messi u jawaabay, wuxuuna dhaliyay laad xor ah oo loo dhigay meel aan ka fogeyn goolka, xiddiga reer Argentina ayaana kooxdiisa hogaanka u dhiibay mar kale.

Advertisements

Mar kale Messi wuxuu dhaliyay laad xor ah qeybtii labaad ee ciyaarta, ka hor inta uusan Busquets kusoo qatimin gool uu muddo sugaayay.

Kabtanka Argentina wuxuu barbareeyay rikoorka Cristiano Ronaldo ee sadexleyda horyaalka La Liga, labada xiddig haatan min 34-saddexley ayey dhaliyeen.

Comments are closed.