WALWAL: Barcelona Oo Loo Diiwaangeliyay Rikoodh Xun Oo Ay Ugu Danbeysay 25 Sannadood Ka Hor

Advertisements

Iyagoo todobo dhibcood ka helay shan kulan, Barelona ayaa xilli ciyaareedka 2019-20 ku bilaabatay sidii ugu xumeyd horyaalka muddo 25 sannadood ah.

Tan iyo markii guusha loo bedelay inay la qiimo tahay seddex dhibcood, ma aysan helin dhibco intaan ka yar ka dib shan kulan oo la ciyaaray.

Labo guuldarro, hal barbaro iyo labo guul ayaa la micno ah in Barcelona ay todobo dhibcood ka heshay 15 dhibcood oo ay u tartantay.

Waxaa taas sii dheer inaysan weli ku soo badinin garoon marti ah xilli ciyaareedkan, hal barbaro iyo labo guuldarro ayay garoon marti ah kala soo laabteen horyaalka.

Barcelona waxaa laga dhaliyay sagaal gool shantii kulan ee ay ciyaareen horyaalka.

Xilli ciyaareedkii 1994-95 ayay Barcelona heysatay shan dhibcood waqtigaan oo kale, laakiin natiijooyin isku mid ah labo guuldarro, hal barbaro iyo labo guul, madaama waqtigaas guusha ay la qiimo aheyd labo dhibcood.

Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaan garoon marti ah ku badinin horyaalka tan iyo markii ay garaaceen kooxda Alves kulankii 34aad ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Advertisements

Barcelona ayaa sidoo kale shabaqa ilaashan weysay shantii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka La Liga, markii ugu danbeysay ee ay sidaan ku dhacdo waxay aheyd xilli ciyaareedkii 2008/09.

Barcelona waxa ay bartamaha isbuuca Camp Nou ku wajaheysaa kooxda Villarreal ka hor inta aysan Getafe u safrin isbuuca soo socda.