Shaxdii kulankan ee labada kooxood
Barcelona XI: Messi, Pique, Alba, Busquets, Griezmann, Ter Stegen, Lenglet, Dembele, De Jong, Dest, Pedri
Keydka: Pjanic, Neto, Braithwaite, Umtiti, Firpo, Pena, Trincão, Matheus Fernandes, Riqui Puig, Óscar Mingueza
Cadiz XI: Álvaro Negredo, Alberto Perea, Jon Garrido, Sobrino, Salvi, Isaac Carcelén, M. López, Fali Jiménez, J. Ledesma, A. Espino, Jairo Izquierdo
Keydka: Alcalá, A. Lozano, F. Malbašić, Álex, José Mari, David Gil, J. Jønsson, Alejo, Saponjic, Jorge Pombo, Álex Martín, J. Flere
FAAH-FAAHINTA KULANKA
Daqiiqadii 16-aad ee kulankan ayuu Jordi Alba baas ka yimid gees ka tuur oo uu helay meel durugsan ka darbeeyay wax yar u mariyay birta goolka ee bidix.
Markale Barca ayaa fursad fiican heshay daqiiqadii 18-aad, Messi ayaa kubadda toos ula hor tagay goolhayaha Cadiz balse laagiisa ayaa laga badbaadiyay.
Markale Messi ayaa daqiiqadii 29-aad meel fog kubadda kaga laagay shabaqa goolhayaha Cadiz balse goolhayaha Cadiz ayaa si sahlan ku badbaadiyay.
Goolka Barcelona ayaa yimid daqiiqadii 31-aad ee kulanka, Lionel Messi ayaa rigoore lagu galay Pedri gool u bedelay oo jihada qaldan u diray goolhayaha.
Daqiiqadii 39-aad ee kulankan ayaa gool laga diiday Frankie De Jong maadaama oo uu Offside ku jiray halka daqiiqadii 44-aad gool kale laga diiday Pedri maadaama oo uu Dest oo kubadda soo dhisay Offside galay kahor dhammaadkii qaybta koowaad.
Goolhaye Ledesma ayaa qaybtii dambe bilawgeedii fursad fiican ka badbaadiyay Greizmann isagoo goolhayaha Cadiz xiddiga Frenchka ah kahor qaaday baas uu Messi afaafka hore ee goolka u dhigay.
Barcelona ayaa musiibo la kulantay daqiiqadii 87-aad ee kulanka, daafaca dhexe ee kooxdaas ee Lenglet ayaa rigoore galay iyadoo uu Alex gool u bedelay kulanka ayaana kusoo dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora