Barcelona Oo Arsenal Ku Garaacday Saxeexa Laacib Ay Muddo Isku Haysteen Maalin Kaddib Markii Gunners Ay Juventus Kor Qaadday Kurzawa

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhamaystirtay heshiiska da’yarka mustaqbalka fiican leh ee Yan Couto oo ka tirsan kooxda reer Brazil ee Cortiba.

Sida uu qoray wargeyska Globoesprte, ciyaartoyga Barcelona ay heshiiska la gashay oo ay da’diisu tahay 17 sannadood ayay ka bixisay 5 milyan oo Euro, waxaanu soo gaadhi doonaa Camp Nou dhamaadka xili ciyaareedka, markaas¬† oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.

Yan Couto oo ka ciyaara baasha midig ee difaaca, ayaa waxay Barcelona ula soo saxeexatay si uu u galo booska Nelsen Semedo oo dhalliilo badan loo jeediyo isla markaana khadka dhexe loogu celiyo Seri Roberto.

Laacibkan da’da yar oo uu wargeyska The Guardian bishii October ku daray liiska 60-ka ciyaartoy ee dunida qabsan doona sannadaha soo socda, ayaa waxay Barcelona ka hor qaadday kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich oo si weyn ugula loollamay.

Yan waxa uu qayb ka ahaa xulkii qaranka Brazil ee ay da’doodu ka hoosaysay 17 jirrada ee bishii November ku guuleystay Koobka Adduunka da’yarta oo ay ciyaartii finalka 2-1 ku garaaceen Mexico, laakiin intii ay socdeen ciyaarahaasi waxa uu seegay laba kulan oo dalkiisu uu la dheelay Angola iyo Chile oo labada uu ganaax ku maqnaa.

Advertisements

Kulankii siddeed dhamaadka ee Brazil ay ku karbaashtay Talyaaniga ayuu ahaa tiir bandhig fiican ka sameeyey baasha midig, waxaanu booskiisa sii xajistay ciyaartii semi-finalka ee Faransiiska ay ku garaaceen ka hor intii aanu finalka la imanin waddankiisa oo uu ka mid noqonin ciyaartoygii guusha ku hoggaamiyey dalkooda.

Goolka guusha oo Brazil uu waqtigii dhimashada u dhaliyey Lazaro Vinicius, waxa caawiye ka ahaa saxeexa cusub ee Barcelona ee Yan Couto.

Comments are closed.