Barcelona Oo 60 Milyan Ka Soo Bixisay Xiddig Hore U Yiri: “Kooxda Aan Ugu Jeclahay Waa Real Madrid, Waligeyna Waan Jeclaan Doonaa”

Barcelona oo ayaa dhamesytirtay saxiixa Miralem Pjanic oo ay kala soo wareegeen Juventus iyagoo ka soo bixiyay 60 milyan euro, sidaasi oo ay tahay xiddiga khadka dhexe ee Bosnia waxa uu hore uga hadlay sida uu u jecel yahay kooxda ay cadowga yihiin Barcelona ee Real Madrid.

Heshiiska Pjanic ayaa qeyb ka ahaa heshiis ciyaaryahan isku bedelasho oo dhexmaray Barcelona iyo Juventus, iyadoo Pjanic uu u wareegayo La Liga isagoo 30 jir ah halka da’ yarka Arthur Melo uu ku biirayo Bianconeri.

“Waxaan Real Madrid daawanayay tan iyo maalmihii Zidane iyo Ronaldo Nazario, tan iyo markaas waxay ii ahaayeen kooxda aan ugu jeclahay, waligeedna waa ay ii ahaan doontaa, yaan ku riyoonin inuu u ciyaaro Real Madrid?” ayuu Pjanic u ku sheegay wareysi uu 2009 siiyay jariirada AS.

Kubadsameeyaha xulka Bosnia ayaa ku celiyay hadalkaas sannadkii 2013, isagoo mar kale si fiican uga hadlay Los Merengues.

“Markii aan yaraa Zidane ayuu ahaa qofkii i jecleysiiyay kubada cagta” ayuu Pjanic ku yiri wareysi uu siiyay Oslobodjenje.

“Waa xiddigii ugu fiicnaa ee aan abid arki, haddii aad i weydiiso kooxda aan ugu jeclaahy, waxaan dhahayaa waa Real Madrid”

Pjanic ayaa haatan meel iska dhigi doona taageeranimadiisa real Madrid isagoo ay u bilaabaneyso waayo cusub, wuxuuna xilli ciyaareedka danbe ka horimaan doonaa kooxda uu jecel yahay ee Real Madrid isagoo xiran maaliyada Barcelona.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*