Barca Oo Heshiis La Gaadhay Xiddig Man City Ah, Ciyaartoy Mustaqbal leh Oo Ka Tegay Arsenal, Man United Oo Laacib Luminaysa, Liverpool Oo Yaabban Iyo Wararkii U Dambeeyey

Advertisements

Suuqa kala iibsiga qaarada Yurub ee bisha January ayaa si rasmi ah u furmay maadaama oo la galay bisha January ee sanadka cusub ee 2021 iyadoo ay kooxaha qaaradaasi isha ku hayaan inay fuliyaan qorshayaashii ay dhigteen suuqa kahor.

Kooxaha reer Yurub ayaa isku dayi doona inay dhaq-dhaqaaqa ugu macquulsan ka sameeyaan suuqan xilliga qaboobaha iyagoo ogsoon inuusan ahayn suuq u balaadhan sida midka xagaaga isla markaana ay adagtahay in saxeexyo waaweyn la sameeyo xilli ciyaareedka oo badhtanka maraya.

Intaas waxa dheer in isku dayada kooxaha Yurub uu sii xadidayo saamaynta dhaqaale ee uu caabuqa Korona Fayras ku yeeshay kooxahaas.

Si kastaba, sidii aan nooga barateen waxa aanu halkan idinkula wadaagaynaa wararkii ugu dambeeyay ee xanta ahaa iyo hadal haynta suuqa ka jirta ee ay qoreen wargeysyada ugu waaweyn Yurub maanta oo Khamiis ah.

Wakiilladda xiddiga Manchester United ee Jesse Lingard oo 28 jir ah, ayaa waxay wada-hadallo hordhac ah la leeyihiin kooxda reer France ee Nice si uu ugu wareego qaab amaah ah inta ka hadhay xilli ciyaareedka, balse heshiiska loo beddelo mid rasmi ah xagaaga soo socda. (Sky Sports)

Tababaraha Wolves ee Nuno Espirito Santo ayuu wakiilkiisu u raadinayaa koox cusub oo Premier League ah xataa iyadoo uu tababarahan reer Portugal bishii September saxeexay heshiis cusub oo uu kusii joogayo Molineux Stadium. (Sun)

Tottenham Hotspur waxay kansalaysaa qandaraaskii ay kula jirtay Danny Rose bishan Januaary, waxaana 30 jirkan difaaca bidix ah xiisaynaysa kooxda West Brom. (Talksport)

Mesut Ozil oo 32 jir ah ayaa u sheegay Arsenal in haddii ay siiyaan £7 miliyan oo Gini oo lacag ah ka hor inta aan la gaadhin xagaaga soo aaddan, inuu bishan January ka tegi doono kooxdaas. (The Athletic)

Arsenal waxa ka tegay 19 jirka weerarka reer England ee Folarin Balogun oo ku biiraya kooxda reer Germany ee RB Leipzig. (Football Insider)

Liverpool waxay qorshaynaysaa inay lasoo saxeexato difaaca Brighton ee Ben White oo 23 jir ah. (Liverpool Echo)

Difaaca Manchester City iyo xulka Spain ee Eric Garcia oo 20 jir ah ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay Barcelona, iyadoo uu si bilaash ah ugu wareegi doono xagaaga. (Goal)

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku kalsoon in kooxdiisa Barcelona ay lasoo saxeexan doonto laba ciyaartoy oo reer Netherlands ah. Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Georginio Wijnaldum oo 30 jir ah iyo weeraryahanka Lyon ee Memphis Depay oo 26 jir ah ayuu ku sugayaa Camp Nou. (Mundo Deportivo)

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho wuxuu ku adkaystay in kubbad-sameeye Harry Winks oo 24 jir ah aanay kooxdiisu ku bixin doonin amaah bishan January. (Football London)

Difaaca Everton ee Jonjoe Kenny waxa laga yaabaa inuu bishan ka tago Toffees, waxaana 23 jirkan raadinaysa Burnley. (Liverpool Echo)

AC Milan waxay wada-hadallo la yeelatay wakiilka weeraryahankii hore ee Juventus ee Mario Mandzukic oo 34 jir ah, si uu laacibkan reer Croatia si bilaash ah ugu biiro. (Football Italia.

Celtic iyo Rangers ayaa labaduba doonaya weeraryahanka reer Nigeria ee Taiwo Awoniyi oo ah 23 jir ka tirsan Lioverpool, laakiin hadda amaah ugu maqan kooxda Union Berlin ee waddanka Germany. (90min)

Jack Wilshere oo 29 jir ah, isla markaana koox la’aan ahaa tan iyo xagaagii ayaa waxa doonaysa Bournemouth oo tababaheeda Jason Tindall uu qorshaynayo inuu u bandhigo heshiis waqti gaaban ah. (Mail)

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*