Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa magacaabay xiddiga cabsida ugu badan ku haya kooxdiisa ee ay tahay inay taxadar badan ka sameeyaan, isla markaana ay ka digtoonaadaan goolasha badan ee uu dhaliyo.
Cesar Azpilicueta ayaa Chelsea ku biiray bilo kaddib markii ay ku guuleysatay Champions League sannadkii 2012kii ee ay Bayern Munich rikoodheyaasha ku garaaceen, waxaana sagaalkii sannadood ee uu joogay Stamford Bridge uu kula guuleystay laba horyaal oo Premier League ah, hal FA up, hal League Cup iyo tartanka Europa League oo laba jeer ah.
31 jirkan reer Spain ayaa hadda ku riyoonaya in ay xili ciyaareedkan u noqoto midkii uu rikoodhkiisa guulaha ku darsan lahaa koobka dhegaha waaweyn, laakiin wuxuu ogsoon yahay inay tahay in marka hore ay Atletico Madrid u maare helaan.
Labada kooxood ayaa wareegga 16ka isku beegmay, waxaanay lugta hore caawa oo Salaasa ku wada ciyaarayaan magaalada Bucharest.
Cesar Azpilicueta oo ka hadlayay ciyaartan ayaa yidhi: “Markii aan kusoo biiray Chelsea sannadkii 2012kii, waxay ahayd kaddib guushii Champions League, dabcanna hadafkaygu waa inaanu taas ku celino. Waa tartanka ugu weyn Yurub. Waanu ognahay inay aad u adag tahay laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu loollanno.
Shaqsiyan, waxa igu jira rajo ah in aanu berri ka bilaabi karno (caawa), waxaanu leenahay ciyaar wanaagsan, inaanu helno natiijo wanaagsan iyo inaanu eegno sida aanu u socon karno.”
Luis Suarez ayuu ka digay halistiiisa, waxaanu tilmaamay inuu yahay dhaliye weyn, isagoo yidhi: “Sida ugu wanaagsan ee aad iskaga difaaco karto, waa inaad goolkaaga ka fogeyso. Taasi waa shaqo wada-jir ah, difaacyo ahaanna waanu garanaynaa.
“Anigu waxaan ka hor tegay markii uu joogay Liverpool iyo Barcelona oo aanu Champions League ku kulanay. Waa weeraryahan wanaagsan, waanu garanaynaa tirooyinkiisa iyo in marka uu ciyaarayo uu dhaliyo goolal badan.
“Waxaanu isku dayi doonaa inaanu iska difaacno isaga, inaanu ciyaarta haysano iyo inaanu weeraryahannadooda ka fogeyno goolkayaga intii suurtogal ah.”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora