Aubameyang Oo Koobiyeeyay Mikel Arteta, Seddex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Maanta & Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Arsenal & Crystal Palace

Advertisements

10 xiddig oo Arsenal ah ayaa barbaro 1-1 ah la galay kooxda Crystal Palace maanta iaydoo Pierre-Emerick Aubameyang uu hogaanka u dhiibay balse casaan la siiyay ka dib go’aan ay gaartay VAR iyadoo Jordan Ayew uu u barbareeyay Palace.

Dhibcaha ay kala qeybsadeen labada kooxood ayaa la micno ah in Crystal Palace hal dhibic iyo hal boos ka sareyso Arsenal oo ku jirta kaalinta 10aad ee Premier League.

Aubameyang Oo Koobiyeeyay Arteta

Aubameyang waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Arsenal ee gooldhaliya islamarkaana casaan la siiyo isla kulan kale tan iyo markii uu sidaas sameeyay tababarihiisa haatan Mikel Arteta kulan ay la ciyaarayeen isla Crystal Palace.

Seddex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Maanta

1. Arteta Oo Afar Weeraryahan Isku Helay: Pepe, Lacazette, Aubameyang iyo Ozil waxay ahaayeen kuwa jaanta isla helay oo si fiican isku fahmay iyadoo seddex ka mid ah afarta weeraryahan ay dhiseen goolkii furitaanka ee Arsenal. Arteta ayaa u muuqda mid soo saaray tayada afarta xiddig ee ugu fiican kooxda kuwaasoo halis u muuqda mar walba oo ay kubada cagta ku dhigaan. Inkastoo uu daafacooda weli liita hadana weerarkooda ayay Arsenal dhibco ku heli doonaan inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

2. Wilfried Zaha Oo Jeebka Lagu Ritay: Ainsley Maitland-Niles ayaa jeebka ku ritay Zaha iyadoo xiddiga garabka ka ciyaara ee Palace uu go’aansaday inuu kubada gadaal u baaso mar walba bedelkii uu wajihi lahaa daafaca da’da yar ee Arsenal. Maitland-Niles ayaa ka soo baxay tijaabadii booska daafaca midig isagoo aamusiyay xiddiga reer Ivory Coast. Zaha ayaa si xoogan loola xiriirinayay Chelsea bishaan janaayo, malaha maankiisa meel kale ayuu jiray galabta.

3. VAR oo ku saxneyd go’aankii Aubameyang: Aubameyang taakal xun ayuu ku sameeyay Max Meyer weliba meel ka sareysa canqowgiisa, markii hore kabtanka Arsenal waxaa la siiyay calaamada digniinta laakiin VAR ayaa sarre u qaaday ciqaabtiisa oo go’aamisay casaan. Sababta casaanka loo siiyay waxay aheyd dhaawaca xun ee uu u geysan kara Max Meyer iyo inuusan taxadar muujinin. Gooldhaliyaha ugu sareeya Arsenal waxa uu haatan maqnaan doonaa seddex kulan.

Xiddiga Garoonka

Midkood labada daafac garab ee Arsenal ayaa u qalma xiddiga garoonka, Maitland-Niles ama Kolasinac ayaa u qalma laakiin waxaan dooran lahaa Maitland-Niles. Ma ahan daafac midig oo dabiici ah laakiin waxa uu aamusiyay xiddigii ugu halista badnaa Crystal Palace ee Zaha isagoo u diiday inuu kubad darbeeyo. Wuxuu soo bandhigay difaacasho heer sarre ah.

Qiiemynta Ciyaartoyda

Crystal Palace: Guaita 7, Kelly 6, Tomkins 7, Cahill 6, Riedewald 6, McCarthy 6, Kouyate 7, McArthur 6, Meyer 5, Ayew 8, Zaha 6

Bedel: Tosun 6

Advertisements

Arsenal: Leno 6, Maitland-Niles 8, Sokratis 6, David Luiz 6, Kolasinac 7, Torriera 5, Xhaka 6, Pepe 6, Ozil 7, Aubameyang 6, Lacazzette 7

Bedel: Gendouzi 6, Martinelli 6, Nelson 6

Leave a Reply

Your email address will not be published.