Aubameyang Oo Ka Baxay Aamusnaantii Kaddib Ganaaxii Mikel Arteta Kusoo Rogay & Kulankii Tottenham Ee Uu Seegay

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka baxay aamusnaanta kaddib markii kursiga kaydka lagu ciqaabay kulankii kooxdiisa Arsenal ay shalay ku garaacday Tottenham.

Advertisements

Gunners ayaa guul 2-1 ah ka gaadhay Tottenham oo Emirates Stadium marti ugu ahayd, waxaana goolasha u dhaliyey Martin Odegaard iyo Alexandre Lacazette, kuwaas oo meesha ka saaray gool qurux badan oo uu Erik Lamela ku furay ciyaarta, kaddib markii uu shabaqa Bernd Leno ku hubsaday kubbad uu soo laaday iyadoo labadiisa lugood is-daba marsan yihiin.

Arsenal ayaa bilowgii ciyaarta birta garaacday markii uu Emile Smith Rowe kubbad gantaal ah ku toogtay goolka Tottenham taas oo dhaaftay goolhaye Hugo Lloris oo tallaabooyin soo baxsanaa, hase yeeshee waxay kubaddaasi kusoo dhacday birta.

Kaddib goolkii quruxda badnaa  ee uu kasoo dhaliyey Olympiacos lugtii hore ee wareegga 16ka tartanka Euorpa League, Odegaard ayaa mar kale shabaqa la saaxiibay, waxaana goolka koowaad ka dhaliyey Tottenham.

Advertisements

Davinson Sanchez ayaa lagu qaaday qalad uu ku galay Lacazette oo xerada ganaaxa ku jiray, waxaana uu weeraryahanka reer France rikoodhahaas u beddelay gool, isagoo saxeexay goolkiisii 12aad ee xilli ciyaareedkan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ciyaartan ka daawanayey kursiga kaydka, kaddib ganaax uu kusoo rogay tababare Mikel Arteta oo mar uu ka hadlayay sababta uu u ciqaabayna yidhi: “Waxa aanu leenahay arrimo anshax, annaga ayaa jeexanay layn waananu ku soconaynaa.

“Waxa aanu leenahay nidaam ay tahay in la ixtiraamo kulan walba, waa intaas uun.”

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haddaba ka baxay aamusnaantii, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada, hase yeeshee kama hadal ganaaxa la saaray.

Weeraryahanka reer Gabon oo adeegsanaya bartiisa bulshada ee Instagram ayaa kaliya soo qaaday guusha kooxdiisa, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi: “Woqooyiga London waa Casaan, hadal ba gam!!!”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*