Aubameyang, Lacazette Mise Nicolas Pepe? Saxeexa Cusub Ee Arsenal Ee Dani Ceballos Oo Si Aan Gabasho Lahayn U Doortay Midka Ugu Fiican Saddexleyda Weerar Ee Kooxdiisa.

Advertisements

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Dani Ceballos oo hal xilli ciyaareed qaab amaah ah kaga soo maqan kooxda Real Madrid ayaa kala doortay saddexleyda weerar ee kooxdiisa ee Aubameyang, Lacazette iyo Nicolas Pepe.

Lacazette iyo Aubameyang ayaa xilli ciyaareedkii hore xidhiidh weerar oo xoogan soo wada samaystay waxaana haatan afka hore mid saddex afle ah ka dhigaya Pepe oo lacag rekoodh u ah Gunners oo 72 Milyan ah xagaagii ugu soo wareegay.

 Arsenal star Ceballos picks ‘best player’ out of Aubameyang, Lacazette and Pepe

Xilli ciyaareedkan ayaa la filayaa in saddexdaas xiddig ay noqon doonaan kuwa kala duwanaanshaha ku samayn doono Arsenal iyo kooxaha kasoo horjeeda balse su’aasha ayaa ah midkee ugu wanaagsan iyaga dhexdooda.

Ceballos oo aragtidiisa saddexdaas xiddig dhiibanaya ayaa Aubameyang ku sifeeyay mid kooxda u jooga booskaa Cristiano Ronaldo ee Real Madrid sidoo kale amaanay Pepe balse midka ugu wanaagsan u caleemo saartay Lacazette.

Dani ayaa hadalkiisa ku furtay “Waxaanu haysanaa koox aad u wanaagsan oo isku duuban saddexda weerarka ahina xaqiiqdii waxay samaynayaan kala duwanaanshaha”.

Advertisements

“Waxaad Aubameyang la bar-bardhigi kartaa Cristiano markii uu joogay Madrid ee dareenka ah inuu ka ciyaaro meel ku dhaw goolka, Waxa uu u nool yahay inuu gool dhaliyo”.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa kuma Xiddiga Premier League Ee Boorso Joogta 8 Kun Doolar Ku Qaatay Abaalmarintiisa Xiddiga Garoonka?

“Isagu aad ayuu muhiim noogu yahay anaga, Waa mid asaasi ah, Pepe waa mid aad u toosan, Lacazette-na aniga ahaan waa ciyaartoyga ugu wanaagsan, Isagu si wanaagsan ayuu kulanka u fahmaa, Waana mid 100% ah, Wax badan ayuu anaga na siin doonaa”.

 

Comments are closed.