Auba Iyo Suuli Maxaa Kala Haysta!! Aubameyang Oo Markii Labaad Dhawr Bilood Gudahood Xaajo Darteed Garoonka Uga Baxay

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre Emerick Aubameyang ayaa la hadal hayaa sababtii xalay uu bedelka ugu sameeyay tababare Mikel Arteta walow uu laba gool dhaliyay isla markaana uu saddexleydiisa dhammaystiran karayay.

Advertisements

Arsenal ayaa 3-0 ku jiidhay dhigeeda Newcastle United iyadoo Auba uu laba gool saxeexay isla markaana uu goolka saddexaad raacsaday Bukayo Saka.

Image

Aubameyang ayaa bedel lagu sameeyay laba daqiiqo kaddib goolkiisii labaad iyadoo uu Arteta kulanka kaddib shaaciyay inuu u bedelay sababta xaajo iyo inuu suuliga (Musqusha) u baahday.

Si lamid ah xalay, Aubameyang ayaa garoonka uga baxay sababta suuli uu u baahday bilooyin kahor iyadoo aan wakhtigaas bedel lagu samaynin maadaama oo aysan ciyaartu ka maarmayn balse uu maqnaa wakhtigaas uu suuliga aaday.

“Haa, waajib ayay ahayd inuu tagaa anagana waxay ahayd inaanu bedelno” ayuu yidhi Mikel Arteta oo qoslaya isla markaana sheegaya in xiddigii ugu fiicnaa kulankaasi uu sabab calool xanuun u baxay.

Aubameyang ayaa dhawr fursadood oo wanaagsan lumiyay qaybtii hore ee ciyaarta balse qaybtii dambe dhaliyay goolkiisii afraad iyo shanaad ee horyaalka.

Goolashaas ayaa ah kuwo culays iyo cadaadis badan oo 31 sano jirkaas saarnaa kulamadii ugu dambeeyay ka furanaya.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*