Arsene Wenger Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Liverpool & Man City Ku Dhexmari Doona Anfield – Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay?

Advertisements

Tababarahii hore Arsenal Arsene Wenger ayaa dareemaya in Liverpool ay tahay kooxda ugu cad-cad kulanka ka dhici doona Anfield, wuxuuna miisaan saaray ciyaartoyda labada dhinac iyo sida maqnaashaha Aymeric Laporte uu kooxda difaacaneysa horyaalka u saameeyay.

Reds ayaan laga adkaan 11-kulan oo ay ciyaareen horyaalka fasalkaan, wuxuuna kulankaan dhacayaa iyagoo lix (6) dhibcood ka sarreeya Manchester City, ujeedada ugu weyn ee Reds waxey tahay iney ka badbaadaan guuldaro, halka kooxda difaacaneysa horyaalka ay isha ku heyso iney saddex dhibcood ka dhigto farqiga u dhaxeeya labada kooxood.

Arsene Wenger oo 3-jeer ku guuleystay horyaalka Premier League muddo 22-sano uu ku sugnaa Premier League ayaa la weydiiyay waxa uu ka dhihi karo kulanka weyn ee isbuucaan dhexmari doona labada kooxood ee la fahamsan yahay iney ku dagaalami doonaan horyaalka fasalkaan, wuxuuna qiray in Reds ay tahay kooxda ugu cad-cad kulanka.

“Hagaag, waan aragnay sanadahii ugu dambeeyay sida ay kulamadooda u adkaayeen” ayuu yiri Arsene Wenger oo fadhiyay BeIN Sports.

“Waan ognahay in Man City ay ciyaarta ka heysan doonto Liverpool iyo sida ay Reds aad qatar ugu tahay weerarada rogaal celiska ah”

“Waxaan shaqsi ahaan dareemayaa ineysan ka badbaadi karin iney waayaan Aymeric Laporte (Man City)”

Advertisements

“Hadii aad fiirisid natiijooyinkooda, wali waxey ciyaaraan kubad aan caadi aheyn, balse dhanka difaaca aad ayey ugu nugul yihiin, taasna waa dhibaato hadii aad wajaheysid Liverpool”

Arsene Wenger wuxuu dareemayaan in Citizens oo uu ka maqan yahay Aymeric Laporte ay u nugushahay iney guuldaro la kulanto, walaac badan ayuu kasii muujiyay hadiiba ay u baxeyso Liverpool.

Comments are closed.