Arsene Wenger Oo Kashifay Wadahadalkii Talefoonka Ku Dhexmaray Isaga Iyo Rumenigge – Miyuu Maamuli Doonaa Bayern Munich?

Advertisements

Tababarahii hore Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday iney taleefoonka ku hadleen isaga iyo gudoomiyaha Bayern Munich Karl-Heinz Rumenigge, wuxuuna ka dhawaajiyay iney isbuucaan fariisan doonaan si ay uga hadlaan hadii uu qaban doono xilka kooxda.

Bayern Munich ayaa iska ceyrisay tababarahoodii Niko Kovac kadib markii uu qasaro 5-1 ah kala kulmay Eintracht Frankfurt, waxaana lasoo warinayaa in Wenger uu ugu cad-cad yahay shaqada kooxda Bavarians.

Warbixino ka yimid Jarmalka isbuucii soo dhamaaday ayaa qiray in Arsene Wenger uu taleefoonka kula hadlay Rumenigge, balse loo sheegay inuusan dooqa tababare ee kooxda reer Jarmal ku jirin.

Si kastaba Arsene Wenger ayaa ka sheekeeyay wax walba, inkastoo taleefoonka lagu wada hadlay ay sax tahay, hadana sheekada lasoo wariyay ma ahan tan uu ka dhawaajiyay Wenger.

“Galabtii arbacada, waxaa isoo wacay Rumenigge, kama jawaabin wicitaankiisa sababo siyaasadeed darteed, balse waan ku celiyay” ayuu yiri Wenger oo la hadlayay beIN Sports.

“Gaari ayuu kaxeynayay isagoo kusii jeeday kulanka Olympiacos, waxaan wada hadalnay afar ilaa shan dhaqiiqo ugu yaraan, wuxuuna ii sheegay iney isku raaceen Flick inuu kooda maamulo isla markaana labada ciyaarood ee soo socota uu xilkaas haayo sababtoo ah waxey la ciyaarayaan Dortmund”

Advertisements

“Wuxuu i weydiiyay hadii aan xiiseynayo shaqada sababtoo ah waxey raadinayaan macalin, waxaan u sheegay inaan wali arintaas ku fakarin, sidoo kalana aan u baahanahay wakhti aan arintaas uga fakaro”

“Waxaan wadajireed ku gaarnay inaan isbuucaan wada hadalno, sababtoo ah waxaan Doha joogi doonaa ilaa habeenka Axadda, waana sheeko run ah”

Comments are closed.