Arsenal Oo U Dhaqaaqeysa Bedelka Mesut Ozil Bishaan Janaayo & Jawaab Lama Filaan Ah Oo Ay La Kulmeen

Tababaraha kooxda Norwich City Daniel Farke ayaa u sheegay Arsenal inay iska ilowdo saxiixa Emiliano Buendia si ay ugu bedelaan Mesut Ozil bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

Advertisements

Ozil ayaa u safray Turkiga todobaadkan, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu si rasmi ah u dhameystiro ku biiritaankiisa kooxda Fenerbahce.

Norwich City are adamant that Emiliano Buendia will not be sold this month

Dhanka kale, Mikel Arteta ayaa doonaya inuu hal abuure khadka dhexe ku soo darro kooxdiisa, wuxuu u calaamadeystay Buendia oo diirada u saaran bishaan Janaayo.

Si kastaba, Norwich ayaa dalbaneysa 40 milyan ginni oo ay duldhigeen xiddiga khadka dhexe ee Argentina kaasoo wacdarro ka dhigay Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Norwich ayaa haatan afar dhibcood ku haya hogaanka horyaalka heerka labaad iyadoo tababare Farke uu sheegay inaysan caqligal aheyn inay iibiyaan Buendia oo ay halis geliyaan ku soo laabashadooda Premier League.

“Waxba kuma dhici doono Emi Buendia bishaan” ayuu Farke u sheegay warbaahinta. “Marka aad ku dhex jirto kubada cagta waxba ma xaqiijin kartid boqolkiiba 100 laakiin waxaan dhihi karaa boqolkiiba 99 ma baxayo Buendia.

“Haddii aan si caqli ah u fiiriyo, ma ahan wax caqligal ah in ciyaaryahan uu baahan waqti xaadirkaan, caqligal ma ahan in koox ay iibiso ciyaartoydeeda bisha Janaayo.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*