Arsenal Oo Lagu Qasbay Inay Magdhow Siiso Unai Emery, Layaabka Lacagtii Ay Kusoo Iibsatay Mikel Arteta Iyo Warbixin Cusub Oo La Helay

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa  lagu qasbay inay bixiso £10.4 milyan oo Gini oo ay siiso tababaraheedii hore ee Unai Emery ee ay ku beddeshay Mikel Arteta.

Advertisements

Arsenal ayaa November 2019kii waxay shaqada ka caydhisay Unai Emery oo 18 bilood oo kaliya shaqada hayay, kaddib markii ay kooxdu toddoba ciyaarood oo xidhiidh ah guuleysan weyday.

Mikel Arteta oo beddelay ayaa isla xili ciyaareedkii horeba ku hoggaamiyey inay ku guuleystaan tartanka FA Cup, waxaanu muujiyey in uu u qalmayay in lagu beddelo Emery laakiin kooxda reer London ayaa xili ciyaareedkan ku jirta kaalinta sagaalaad iyagoo wali haybsan la’ inay usoo dallacaan kaalmaha sare.

Warbixinta maaliyadda Arsenal ee ku ekayd May 31, 2020 oo ay sidoo kale ku jirto kharashaadka dhamaadka xili ciyaareedka 2019/20 ayaa waxay muujisay in kooxdu ay bixisay lacag dhan £10.4 milyan oo Gini oo ay u shubtay Unai Emery.

Advertisements

Tabbabaraha reer Spain iyo shaqaalihiisii ayaa markii la caydhiyey waxay heleen lacag magdhow ah oo ahayd intii ka hadhsanayd qandaraaskooda, waxaana ugu badnaa Emery oo helay £10.4 milyan oo Gini.

Sida ka muuqata warbixinta maaliyadda ee Arsenal, kooxda ayaa sannadkaas diiwaangelisay khasaare dhan £50 milyan oo Gini, taas oo inta ugu badan ay sababtay musiibada Korona ee taageereyaal la’aanta ka dhigtay garoomada, sidoo kalena xidh-xidhay ganacsiyadii kooxda sida dukaamadii iyo xayaysiimihii ay samayn jireen.

Arrinta layaabka leh ee warbixintan laga helay ayaa waxay tahay, in Arsenal ay lacag kusoo iibsatay Mikel Arteta markii ay kala soo wareegaysay Manchester City oo uu tababare ku-xigeen u ahaa, isla markaana uu Pep Guardiola la shaqaynayay.

Warbixintan ayaa soo gunaanadday 18 sannadood oo xidhiidh ah oo Arsenal ay samaynaysay faa’iidooyin, sannad walbana xisaabteedu farxad gelinaysay mulkiileyaasha.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*