Arsenal Oo Ku Dhow Inay Ku Dhawaaqdo Saxeexii Ugu Horreeyey Bishan January Iyo Booska Uu Ka Ciyaaro Xiddiga Ay Soo Qaadanayso

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo heshiis ay la gashay laacibka reer Brazil ee Pablo Mari oo difaaca uga ciyaara naadiga Flamengo, kaas oo noqon doona ciyaartoygii ugu horreeyey ee Arsenal ay lasoo saxeexato suuqa hadda.

Gunners ayaa doonaya inay iska soo xoojiyaan daafaca kaddib markii ay dhaawac ku waayeen Calum Chambers inta xilli ciyaareedka ka dhiman sidoo kalena ay xiddigaha kala ah Mustafi, David Luiz iyo Sokratis wali dhibtoonayaan.

Mari ayaa xilli ciyaareedkii hore uun ka baxay Manchester City oo uu ka tirsanaa isaga oo Flamengo wakhtigaas ugu biiray heshiis dhan 1 Milyan.

Daafacan ayaa la sheegayaa inuu shalay oo Jimce ahayd u safray magaalada London xilli ay wargeysyada ESPN iyo GlobeEsporte xusayaan inuu tijaabada caafimaadka u marayo Arsenal kaddib wada xaajood labada kooxood dhex maray.

Mari ayaa qaab ciyaareed heer sarre ah kusoo muujiyay Flamengo kaddib markii uu hore ugu fashilmay inuu isku muujiyo kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City.

Advertisements

Pablo Mari ayaa kamid ahaa xiddigaha gacanta weyn ka geystay in Flamengo ay kusoo guuleysatay koobabka Serie A iyo Copa Libertadores isagoo sidoo kale kasoo muuqday Final-kii Koobka kooxaha Aduunka ee ay Liverpool uga guuleysatay.

Waxa marag ma doonto ah in Arsenal ay baahi weyn u qabto inay dib u xaliso liiashada daafaca kooxdeeda sababtoo ah in durtaba 34 gool laga soo dhaliyay kaddib 24 kulan oo ay kasoo ciyaartay Premier League.

 

Comments are closed.