Arsenal Oo Iska Xaadirisay Wareegga 5-aad EE FA Cup-ka , AFC Bournemouth Ayay Ka Talaabsadeen

Advertisements

Arsenal ayaa iska xaadirisay waregega 5-aad ee FA Cup-ka waxa ayna laba gool iyo hal ku garaaceen AFC Bournemouth oo ay marti u ahaayeen , waxa  uuna ahaa guul ay mudnaayeen wiilasha Arteta

Sheekada labada qeyb : Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay AFC Bournemouth laba gool oo nadiif ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 4-aad ee FA Cup-ka .

Arteta oo shax ay ka dhex muuqdeen da`yarta kooxda ku soo bilaabay ayaa waxa ay soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh iyaga oo biloowgii ku guuleystay gool waqti hore ah.

Daqiiqaddii 6-aad ayay goolka koowaad heleen waxaana laad ku dhaliyay Bukayo Saka ka dib kubad ay soo jiideen Arsenal .

Ka dib goolkaas , Arsenal iyaga ayaa si weyn ugu badnaa kubadda waliba waxa ay gaarayeen aagga goosha martida ay u ahaayeen taas oo ugu dambeyntii keentay gool labaad daqiiqaddii 26-aad waxaana dhaliyay Edward Nketiah iyadoo ay VAR ansixisay ka dib dood laga keenay.

Arsenal waxa ay qeybtaas hore soo bandhigeen kubad kalsooni leh, si wacan ayayna isugu balaarinayeen garoonka marka ay kubadda cagtooda ka baxdo .

Kubad weerar oo garbaha ka socotay ayay ciyaarayeen halka AFC Bournemouth ay ku adkeyd in kubadda u soo dhaqaajiyaan afka hore Arsenal inkastoo dhamaadkii ay sidaas sameeyeen waxaana jirtay fursad ay ku dhawaadeen daqiiqaddii 37-aad balse goolhayaha Arsenal ayaa bad baadiyay ka dib kubad lagu laaday.

Guud ahaan Arsenal , qeybta hore iyaga ayaa wacnaa waliba goolaal dheeraad u dhawaa balse ma dhicin , waxaana lagu nastay labadaas gool .

Soo laabashadii , AFC Bournemouth waxa ay isku dayayeen in ciyaarta dadajiyaan kubaddana soo gaarsiyaan aagga goosha Arsenal balse kooxdaas waqooyiga London ka socotay waa ay ku fiicnaayeen in kubadda durba iska soo fogeeyaan.

Biloowgii qeybtaas labaad , Arsenal dar dar weyn ma sameyneyn oo ku aadan in kubadda gaarsiiyaan afka hore xilli kooxda martida loo ahaa ay ka go`neyd in ay gool dhaliyaan .

Arsenal daqiiqaddii 58-aad waxaa ka dhaawacmay Mustafi xilli kubad la soo qajafeeyay uu isku dayay in uu madaxeeyo isaga oo la wadaagaya ciyaaryahan ka soo hor jeeda waxaana

muuqaneysa in uu is buurtay waliba laga haleeyay canqawga waxaana garoonka looga saaray sariirta dhawaacyada, ka dib Aretta waxa uu soo giliyay Rob Holding daqiiqaddii 62-aad

AFC Bournemouth , qeybtii labaad aad ayay uga duwanaayeen middii hore , waxa ayna sameynayeen halis ah in ay shabaqa Arsenal booqan karaan xilli ay gaarayeen aagga goosha Arsenal , waxaana xusid mudan in Arsenal iyana is badel uu ku yimid .

Advertisements

Arsenal si qadka dhexe u qabtaan , waxa ay soo giliyeen Daniel Ceballos oo loo saaray Pepe daqiiqaddi 69-aad, ka dib dhacdadaas, Arsenal waxa ay ku guuleysteen in kubadda ku daahdo cagtooda xilli ay gaareysay heer dhan %63

Dhamaadkii , ciyaarta waxa ay aheyd mid marba kubadda cagta ugu jirtay waxa uuna tababare Arteta daqiiqadi 90-aad soo giliyay Ainsley Maitland-Niles kaas oo lo saaray Willock , ayna kooxda martida loo ahaa waqtigii dheeriga dhaliyeen gool xilli ciyaarta ay ku dhamaatay 2/1 oo ay Arsenal wareegga xiga FA Cup-ka isaga xaadiriyeen .

Comments are closed.