Arsenal Oo Iska Direysa Xiddig Ay Afar Bilood Ka Hor Soo Iibsatay & Waxa Sababay

Advertisements

Arsenal ayaa iska dirto goolhayaha keydka Runar Alex Runarsson kaasoo ay afar bilood ka hor la soo wareegeen, waxayna isku dayayaan inay la soo saxiixdaan goolhaye kale oo noqda midka keydka sida ay sheegayaan wararka.

25 jirkaan ayaa tagay Emirates Stadium xagaagii isagoo ahaa bedelka Emiliano Martinez oo lacag qaali ah ugu wareegay Aston Villa laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu buuxiyo booska goolhayaha reer Argentina.

Martinez wuxuu fure u ahaa guushii Arsenal ee FA Cup iyo Community Shield halka Runarsson waxa ugu weyn ee uu Gunners ku soo kordhiyay ay tahay qaab ciyaareed qalad socda ah kulankii ay uga hareen Carabao Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Man City.

Haatan sida ay sheegtay The Athletic, Arsenal ayaa u dhaqaaqday inay iska dirto goolhayahaan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo haddii ay heleen goolhaye cusub oo keyd u fadhin kara Bernd Leno.

Runarsson ma uusan aheyn dooqa koowaad ee Gunners xagaagii la soo dhaafay, waxay isku dayeen inay la soo wareegaan goolhayaha Brentford David Raya laakiin kooxda heerka labaad ayaa lacag qaali ah dalbatay.

Gunners waxay isku dayaysaa inay Runarsson amaah ku fasaxdo si uu khibrad u soo yeesho iyagoo doonaya inuu ka dheelo horyaalka heerka labaad ee Ingariiska ama horyaalada kale ee Yurub.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*