Arsenal Oo Dalbaneysa In La Yareeyo Ganaaxa Seddexda Kulan Ee Aubameyang Iyagoo Soo Bandhigay Cadeymo

Advertisements

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay ku rajo weyn tahay in xiriirka kubada cagta Ingariiska ay yareeyaan ganaaxa seddexda kulan ee kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang, inkastoo aysan racfaan rasmi ah ka qaadan doonin.

Kabtanka Gunners Aubameyang ayaa markii hore waxaa jaale siiyay garsoore Paul Tierney ka dib qalad xun uu ku galay xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Max Meyer intii ay socotay kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee Sabtidii laakiin go’aanka waxaa casaan u bedeshay VAR.

Muuqaalada ku celiska ayaa muujinayay Aubameyang oo canqowga ka laabay Max Meyer oo halis u galay inuu jabo, laakiin shabakada Goal.com ayaa sheegeysa in Arsenal ay dareensan tahay in dhacdada aysan u xumeyn sida loo arkayo oo uusan Aubameyang culeys xoogan saarin canqowga Meyer.

Kooxda ayaa ku dacwooneysa in daafaca bidix ee Liverpool Andy Robertson inaan wax calaamad ah lagu siinin taakal la mid ah oo uu isbuucaan ku sameeyay daafaca da’da yar ee Tanganga.

Advertisements

Waxay sidoo kale ku doodayaan in qaladaad la mid ah lagu sameeyay xiddigahooda iyadoo aan wax calaamad ah la bixinin, iyagoo tusaale u soo qaatay qalad lagu sameeyay Nicolas Pepe kulankii West Ham iyo mid lagu galay Matteo Guendouzi kulankii Norwich City.

Weeraryahan Aubameyang ayaa seegaya kulamada soo socda ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Sheffield United iyo Chelsea iyo sidoo kale kulanka wareega afaraad ee FA Cup ee ay la ciyaatayaan Bournemouth.

Leave a Reply

Your email address will not be published.