Arsenal Oo Aad Uga Careysan Talaabooyinkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Qaaday Kooxda Barcelona

Advertisements

Madaxda kooxda Arsenal ayaan la dhicin qaabka ay Barcelona isagu dayayso inay ka dhigto Pierre-Emerick Aubameyang mid aan sal adag ku fadhinin gaar ahaan ka dib markii ay dareenkooda u weeciyeen xiddiga Inter Milan Lautaro Martinez.

Aubameyang ayaa galaya sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Arsenal, iyadoo si joogta ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo kooxda Camp Nou ka dhisan madaama ay Barcelona suuqa ugu jirto weeraryahan cusub.

Arsenal ayaa lagu qasbi karaa inay iibiso weeraryahanka reer Gabon haddii uu saxiixi waayo qandaraas cusub, haddii kale waxay halis gelin doonaan inuu sannad ka dib si bilaash ah uga dhaqaaqo.

Barcelona ayaa muddo bilooyin ah soo bandhigeysay inay u dhaqaaqeyso Aubameyang iyadoo Arsenal ay aad uga careysan tahay inay kooxda reer Spain ka dhigtay Aubameyang mid aan sal fadhiya laheyn.

Waxaana caradooda uga sii dartay markii ay Barcelona go’aansatay inay weeraryahanka Inter Milan Martinez muhiimad siiso marka loo eego Aubameyang.

Kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay 22 jirka reer Argentina iyadoo laga soo diiday 65 milyan ginni sida ay sheegtay Daily Star.

Advertisements

Laakiin waxaa la filayaa in dalab kale ay ka gudbiso Martinez kaasoo qandaraaskiisa Inter Milan lagu burburin karo 102 milyan ginni, waxayna Barcelona aaminsan yihiin inay xagaaga la soo wareegi doonaan xiddiga reer Argentina.

Barcelona ayaa qorshaha labaad ka dhigatay Aubameyang taasoo la micno ah inay u dhaqaaqi doonaan xiddiga Arsebal haddii ay ku guuldareystaan inay helaan Martinez.

Comments are closed.