“Arsenal Anaga Ayay Nagu Heer Yihiin, Dagaalka Haritaanka Ayay Nagula Jiraan”

Tababaraha cusub ee West Brom Sam Allardyce ayaa aaminsan in Arsenal ay isku heer yihiin islamarkaana ay u wada dagaalamayaan inay ka badbaadaan inay ka haraan Premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Gunners oo sidii ugu xumeyd ku bilaabatay xilli ciyaareedkan tan iyo sannadkii 1974 ayaa ku jirta kaalinta 15aad ee miiska kala sareynta Premier League, waxay kaliya afar dhibcood ka sareeyaan booska lagu haro, mana aysan badinin todobo kulan oo horyaalka ah.

Guuldaradoodii afaraad ee lix kulan ayaa sidoo kale keentay inay ku haraan wareega 8da Carabao Cup ka dib markii ay guuldarro 4-1 ka soo gaartay Manchester City.

Allardyce oo bedelay Slaven Bilic ayaa qabanaya West Brom oo haatan 7 dhibcood ka danbeysa Gunners kuna jirta kaalinta 19aad, wuxuuna aaminsan yahay in guuldaradii ka soo gaartay kooxda Pep Guardiola inay sii niyad dileyso ciyaaryoyda Arsenal.

Markii la weydiiyay haddii West Brom ay dagaalka haritaanka kula jirto Arsenal, Allardyce ayaa ku jawaabay: “Boqolkiiba 100 waa sidaas. Ma aysan badinin kulan Premier League ah ku dhawaad 10 kulan.

“Guuldaradii xalay soo gaartay waxa ay sii baabi’ineysaa kalsoonidii yareyd ee ay ciyaartoyda ka qabeen. Waxay isweydiin doonaan waxa klu habsaday.

“Haddii ay ku jiraan sideeda kaalimood ee ugu hooseysa, haa…. waxaan isku dayi doonaa inaan ku garaacno dagaalka harintaanka ama cid walba oo ku jirta sideeda ugu hooseysa.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*